HomeWararMid ka mid ah Shaqaalaha Hay’adda IOM oo ku geeriyooday Weerarkii Kismaayo

Mid ka mid ah Shaqaalaha Hay’adda IOM oo ku geeriyooday Weerarkii Kismaayo

Date:

Related stories

Jabuuti iyo Itoobiya oo Bilaabay Dhuun Shidaal

Jabuuti iyo Itoobiya ayaa bilaabay dhismaha dhuun shidaal oo dhererkeedu yahay 120 KM, taas oo isku xiri doonta Damerjog iyo Dewele, laguna doonayo in lagu fududeeyo gaarsiinta shidaalka.

Farmaajo oo Xasan Sheekh U Baaqay Wada-hadal

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay wada-hadal siyaasadeed iyo heshiis laga gaaro

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Xafiiska Hay’adda Muhaajiriinta Caalamka ee Somalia waxay shaaciyeen in mid ka mid ah Shaqaalahooda oo la oran jirey C/fataax Maxamed Cabdow ku geeriyooday Weerarkii ay Alshabaab ka geysteen Hotelka Madiina (Ex-cascasey) ee magaalladda Kismaayo. Twitterka Xafisika IOM ee Somalia waxaa lagu qoray inay aad uga tiiraanyeysan yihiin inay waayaan mid ka mid Saaxiibadooda ay ka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Xafiiska Hay’adda Muhaajiriinta Caalamka ee Somalia waxay shaaciyeen in mid ka mid ah Shaqaalahooda oo la oran jirey C/fataax Maxamed Cabdow ku geeriyooday Weerarkii ay Alshabaab ka geysteen Hotelka Madiina (Ex-cascasey) ee magaalladda Kismaayo.

Twitterka Xafisika IOM ee Somalia waxaa lagu qoray inay aad uga tiiraanyeysan yihiin inay waayaan mid ka mid Saaxiibadooda ay ka wada shaqeeyaan Somalia.

- Advertisement -

Qoraalka waxaa kaloo lagu xusay inay Tacsi u dirayaan qoysaskii ay dadka kaga geeriyoodeen weerarkii ka dhacay Kismaayo, kaasi oo ahaa weerarkii ugu khasaaraha badan ee ka dhaca magaalladaasi tan iyo markii ay Ciiddanka AMISOM iyo kuwa Kenya kala wareegeen Dagaalamayaasha  Alshabaab magaalladda Kismaayo sannadkii 2012-kii.

Dhinaca kale, Hawelwadeen kale oo u shaqeyn jirey Hay’adda aan Dowliga ahayn ee Sado Somalia ayaa ka mid ahaa 26-kii qof ee ku geeriyootay weerarkii ka dhacay Hotelka Madiina ee magaalladda Kismaayo.

Twitterka Hay’adda NGO-ga ee Sado Somalia ayaa lagu sheegay uin Agaasimihii fulinta ee Hay’addaasi, C/llaahi Ciise Cabdulle lagu dilay weerarkii Kismaayo.

- Advertisement -

Marxuumka waxa uu horey ugu noolaan jirey Bartamaha Gobalka Ohio ee dalka Maraykanka, wuxuuna ka qalin jebiyey Jaamacadda The Ohio State University, wuxuuna ka shaqeyn jirey sidii loo hagaajin lahaa Nolosha dadka ku nool gudaha Somalia.

C/risaaq Axmed oo la soo shaqeeyey Marxuumka ayaa sheegay inuu mar kasta u sheegi jirey inay Somalia maalin uun noqon doonto dal Nadoon oo aad u qurux badan.

C/risaaq Axmed oo la hadlay Telefishinka WBNS 10TV ee Maraykanka waxa kale oo uu xusay inuu Marxuum C/llaahi Ciise Cabdullehad iyo jeer ogaa inay khatar tahay inuu ku laabto Somalia, balse uu ku laabtay, kuna geeriyooday.

Si kastaba ha ahaatee, Weerarkii Hotelka Mdaiina ee Kismaayo waxaa ku geeriyootay ku-dhawaad 30-qof oo ay ku jireen Suxufiyiin, Siyaasiyiin, Xildhibaano hore, Shaqaale Samafal iyo dad kale oo muhiim u ahaa Bulshadda.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts