HomeWararSawirro:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Jemes Swan

Sawirro:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Jemes Swan

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb. Jemes Swan. Guddoomiye Mursal iyo wakiilka ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee dalka, doorashooyinka qaranka iyo dardar gelinta shuruucda muhiimka u ah doorashooyinka. Sidoo kale […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb. Jemes Swan.

Guddoomiye Mursal iyo wakiilka ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee dalka, doorashooyinka qaranka iyo dardar gelinta shuruucda muhiimka u ah doorashooyinka.

- Advertisement -

Sidoo kale kulanka ayaa loogu hadlay xoojinta xiriirka wada shaqeynta xafiiska QM iyo golaha shacabka.
Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Amb. Jemes Swan ayaa balan qaaday inuu halkeeda ka sii wadayo shaqada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa Amb. Jemes Swan ugu hambalyeeyay xilka cusub ee loo soo magacaabay.

Waxa uu la wadaagay wakiilka cusub shaqooyinka hortabinta leh ee horyaalla golaha shacabka iyo sida ay diyaarka ugu yihiin xoojinta wada shaqeynta labada dhinac.

- Advertisement -

Kulanka oo ka dhacay xafiiska guddoomiyaha ee Villa Hargeysa ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey) iyo xoghayaha guud ee golaha shacabka mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux).

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts