HomeWararHay’ad Caalami oo  ku eedeysay Garsoorka Somalia inuu ka dhex jiro Musuq...

Hay’ad Caalami oo  ku eedeysay Garsoorka Somalia inuu ka dhex jiro Musuq baahsan

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Hay’adda Maacit  ee Nabadda, Horumarka iyo Xuquuqda Aadanaha oo ay Xarunteeda dhexe ku taallo caasimadda dalka Masar ee Qaahira waxay hadalkaasi ka hor sheegeen qoraal ay shalay u gudbiyeen Kulan Xilliyeedka 41-aad ee xubnaha Golaha Xuquuqda Aadanaha ee QM  oo shalay uga furmay magaalladda Geneva ee dalka Switzerland. Hay’addu waxay Golaha u soo bandhigeen Hadal-qoraal […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Hay’adda Maacit  ee Nabadda, Horumarka iyo Xuquuqda Aadanaha oo ay Xarunteeda dhexe ku taallo caasimadda dalka Masar ee Qaahira waxay hadalkaasi ka hor sheegeen qoraal ay shalay u gudbiyeen Kulan Xilliyeedka 41-aad ee xubnaha Golaha Xuquuqda Aadanaha ee QM  oo shalay uga furmay magaalladda Geneva ee dalka Switzerland.

Hay’addu waxay Golaha u soo bandhigeen Hadal-qoraal ku aadan madax-bannaanida  Guddiga Garsoorka ee Somalia, waxayna soo dhaweeyeen  Warbixinta Baaraha Khaaska ee Madaxa bannaan  iyo Qareenadda ee ay ka diyaariyeen xaalladda Garsoorka Somalia, isla markaana ay diiradda ku saareen musuqa ka dhex jira Garoosrka Somalia iyo rajo-beelka dhnaka shaqada ee Maxkamadaha Rayidka iyo xiriirka isku dhafan ee u dhexeeya Garsoorka iyo qeybaha kale ee Dowladda.

- Advertisement -

Warbixinta Hay’adda Maacit  ee Nabadda, Horumarka iyo Xuquuqda Aadanaha waxaa kalo olagu sheegay in Nidaamka Maxkamadaha Somalia yahay mid tabar daran oo aad u yar, isla markaana aan dabooli Karin baahiyayaalka Muwaadiniinta ee inta badan Degmooyinka dalka.

Haajir Cabdi Monsif oo ah Madaxa Hay’adda Maacit ugu qaabilsan Arrimaha Afrika iyo Horumarinta oo ka hadlay Kulanka Golaha QM ugu qaabilsan Xuquuqda Aadanaha waxa uu sheegay in laga shaki qabo Nidaamka Garsoorka Dowladda, isla markaana ay taasi horseedi inay Muwaadiniinta aadaan Maxkmaadaha caadiga , gaar ahaan kuwa ku yaalla Deegaanadda ay Alshabaab maamulaan, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kale oo uu tilmaamay inay Dowladda Somalia ku fashilantay Taabagelinta Bayaankii ka soo baxay Shirweynihii London, oo ku baayaqyey in Isbedel lagu sameeyo qeybta Garsoorka ee dalka.

- Advertisement -

Ugu dambeyntii, Hay’adda Maacit  ee Nabadda, Horumarka iyo Xuquuqda Aadanaha waxay ugu baaqeen Golaha Xuquuqda Aadanaha ee QM inay DFS taageero laga siiyo inay ka shaqeyso Madax-bannaanida Garsoorka iyo baahida loo qabo in Garsoorka lagu sameeyo Isbedelo badan, sida Tababarka Shaqaalaha Hay’addaha Garsoorka iyo in maalgelinta muhiimka ah loo helo Dib-u-soo-celinta dhismaha Asaasiga ee Tas-hiilaadka Garsoorka laga bilaabo dhismaha Maxkamadaha iyo wixii la mid ah.

Dhinaca kale,  Kulan xilliyeedka 41-aad ee Golaha Xuquuqda Aadanaha ee QM (the United Nations Human Rights Council (UNHRC)  oo shalay ka furmay magaalladda Geneva ee dalka Switzerland, waxaa ka qeyb geli doonaa Ururo Caalami ah iyo 26 xubnood oo ka kala socda dalalka Somalia, Turkiga, Talyaaniga, Switzerland, Romania, Latvia, Masar iyo  Kenya.

Kulankaasi waxa uu socon doonaa ilaa bisha soo socota ee July 12-da.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts