HomeWararSawirro:- RW Kheyre oo xalay kormeeray xarumo muhiim ah

Sawirro:- RW Kheyre oo xalay kormeeray xarumo muhiim ah

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Ra’iisul-Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa kormeeray xarunta laanta ilaalinta canshuuraha, xarunta hoggaanka ciidanka Daraawiishta booliiska iyo taallada Dhagax-tuur oo dib-u-dhis ballaaran uu ka socdo. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale kormeeray xanuta tababarka Booliiska ee Gen. Kaahiye oo taliska Booliisku ay ka dhisanayaan guri loo diyaarinayo soo dhawaynta martida. […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul-Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa kormeeray xarunta laanta ilaalinta canshuuraha, xarunta hoggaanka ciidanka Daraawiishta booliiska iyo taallada Dhagax-tuur oo dib-u-dhis ballaaran uu ka socdo.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale kormeeray xanuta tababarka Booliiska ee Gen. Kaahiye oo taliska Booliisku ay ka dhisanayaan guri loo diyaarinayo soo dhawaynta martida.

- Advertisement -

Taliska Booliiska  Soomaaliyeed ayaa is-xilqaan ku dhisaya xarumaha laanta ilaalinta canshuuraha, xarunta hoggaanka ciidanka Daraawiishta booliiska iyo guriga martida ee Gen. Kaahiye iyada oo taliska Asluubtu uu gacanta ku hayo dhismaha taallada Dhagax tuur oo gebagebo maraya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa talisyada booliiska iyo Asluubta ku  bogaadiyay dib-u-dhiska dalka iyo gudashada waajibaadka ka saaran ka shaqaynta sugidda amniga dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa intii uu ku jiray kormeerka waxa uu xerada tababarka booliiska Gen. Kaahiye ku booqday ciidamo loo diyaarinayo ka qayb qaadashada sugidda amniga mawaadiniinta Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddoomiyay shir looga hadlayay dardar-gelinta amniga caasimadda oo lagu qabtay xarunta taliska qaybta guud ee gobalka Banaadir, ayna ka qayb galeen wasiir ku-xigeenka wasaaradda amngia gudaha, maamulka gobalka iyo taliska Booliiska Soomaaliyeed.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts