HomeWararDFS oo sheegtay in aysan qeyb ka noqon doonin Isbahaysi kasta oo...

DFS oo sheegtay in aysan qeyb ka noqon doonin Isbahaysi kasta oo ka dhan ah Qatar iyo Turkiga

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee DFS, Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay inaysan Somalia marnaba ku biiri odonin Isbahaysi kasta ama Urur-gobaleed kasta oo ka dhan ah dalalka Qatar iyo Turkiga. Wasiirka oo shalay ka hadlay Seminaar lagu qabtay Machadka Diplomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Qatar waxa uu carrabka ku dhuftay inay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee DFS, Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay inaysan Somalia marnaba ku biiri odonin Isbahaysi kasta ama Urur-gobaleed kasta oo ka dhan ah dalalka Qatar iyo Turkiga.

Wasiirka oo shalay ka hadlay Seminaar lagu qabtay Machadka Diplomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Qatar waxa uu carrabka ku dhuftay inay Somalia kaalin dhexdhexaadnimo ka istaagtay Khilaafka dalalka Khaliijka, isagoo  sheegay inay waaajib tahay inay dalalka kale  xushmeeyaan Go’aanka Somalia ee madax-bannaanidda Go’aankaasi.

- Advertisement -

Wasiir Cawad  waxa kale oo uu xusay inay Xiisadda Khaliijka waxyeello gaarsiisay Somalia, sababo la xiriira Go’aanka ay dhexdhexaadka kaga noqotay Khilaafkaaasi.

Waxa u uintaasi ku daray inaysan Somalia ahayn sidii hore, isla markaana ay wax kasta is-beddeleen, waa sida u uhadalka u dhigay.

Dhinaca kale,  Wasiirka waxa uu soo hadal-qaaday Muranka Somalia iyo Kenya ee ku aadan xuduud-baddeedka lagu murunsan yahay, wuxuuna xusay inay Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda ee  ICJ loo gudbiyey Kiiskaasi, lana sugayo go’aanka ay ka gaarto Milkiyadda xuduud-baddeedka la isku haysto.

- Advertisement -

Mar si ihorreysay, Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee DFS, Axmed Ciise Cawad waxa uu Kulan la qaatay Ra’isul-wasaare-ku-xigeenka, ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Qatar, Maxamed Bin C/raxmaan Al-thaani o oay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo inay Qatar kordhisay maalgelinta mashaariicda Horumarinta ee Somalia.

Dowladda Qatar waxay ka mid tahay dalalka fara-ku-tiriska ee taageeradda ugu badan siiya DFS, isla markaana maalgeliniyaan Mashaariicda Horumarinta Adeegyadda Hawlbowlaha u ah Mujtamaca.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts