HomeWararFaah faahin:-Weerar ka dhacay Dhoobley iyo Khasaaro ka dhashay

Faah faahin:-Weerar ka dhacay Dhoobley iyo Khasaaro ka dhashay

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday Bam gacmeed oo xalay ka dhacay Degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbda Hoose,kaasi oo lagu qaaday Guri uu halkaasi ka degan yahay Sarkaal ka tirsan Ciidamada maamulka Jubbaland. Weerarkan ayaa waxaa la sheegay inay fuliyeen Kooxo hubeysan oo aan la aqoon waxa ay ahaayeen,isla markaana dhowr […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday Bam gacmeed oo xalay ka dhacay Degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbda Hoose,kaasi oo lagu qaaday Guri uu halkaasi ka degan yahay Sarkaal ka tirsan Ciidamada maamulka Jubbaland.

Weerarkan ayaa waxaa la sheegay inay fuliyeen Kooxo hubeysan oo aan la aqoon waxa ay ahaayeen,isla markaana dhowr bam gacmeed ku tuuray Guriga Sarkaalka,waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

- Advertisement -

Weerarka ayaa waxaa ku dhaawacmay Saraalka ka tirsan Ciidamada Jubbaland weerarka lagu qaaday gurigiisa,waxaana ku dhintay Hal Askari,iyadoona ay ku dhaawacmeen 6 ruux oo kale,kuwaasi oo la dhigay Isbitaalka Dhoobleey.

Dadka deegaanka ayaa waxaa ay sheegeen in weerarka kadib ay maqleen rasaas xoogan oo loo maleynaayo inay isdhaafsadeen ragii weerarka soo qaaday iyo Ilaalada Sarkaalka,waxaana halkaasi si deg deg ah uga baxday kooxihii ka dambeeyay falkaasi.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah  oo ka soo baxay maamulka Jubbaland oo ay uga hadlayaan Weerarkii xalay ka dhacay Degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts