HomeWararFaah faahin:-Weerar ka dhacay Dhoobley iyo Khasaaro ka dhashay

Faah faahin:-Weerar ka dhacay Dhoobley iyo Khasaaro ka dhashay

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday Bam gacmeed oo xalay ka dhacay Degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbda Hoose,kaasi oo lagu qaaday Guri uu halkaasi ka degan yahay Sarkaal ka tirsan Ciidamada maamulka Jubbaland. Weerarkan ayaa waxaa la sheegay inay fuliyeen Kooxo hubeysan oo aan la aqoon waxa ay ahaayeen,isla markaana dhowr […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday Bam gacmeed oo xalay ka dhacay Degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbda Hoose,kaasi oo lagu qaaday Guri uu halkaasi ka degan yahay Sarkaal ka tirsan Ciidamada maamulka Jubbaland.

Weerarkan ayaa waxaa la sheegay inay fuliyeen Kooxo hubeysan oo aan la aqoon waxa ay ahaayeen,isla markaana dhowr bam gacmeed ku tuuray Guriga Sarkaalka,waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

- Advertisement -

Weerarka ayaa waxaa ku dhaawacmay Saraalka ka tirsan Ciidamada Jubbaland weerarka lagu qaaday gurigiisa,waxaana ku dhintay Hal Askari,iyadoona ay ku dhaawacmeen 6 ruux oo kale,kuwaasi oo la dhigay Isbitaalka Dhoobleey.

Dadka deegaanka ayaa waxaa ay sheegeen in weerarka kadib ay maqleen rasaas xoogan oo loo maleynaayo inay isdhaafsadeen ragii weerarka soo qaaday iyo Ilaalada Sarkaalka,waxaana halkaasi si deg deg ah uga baxday kooxihii ka dambeeyay falkaasi.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah  oo ka soo baxay maamulka Jubbaland oo ay uga hadlayaan Weerarkii xalay ka dhacay Degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories