HomeWararDarewalkii Dhakhaatiirta laga afduubtay Mandheera oo la amray in Xabsiga lagu...

Darewalkii Dhakhaatiirta laga afduubtay Mandheera oo la amray in Xabsiga lagu sii hayo

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Dareewalkaasi oo lagu magacaabo Isaaq Ibrayn Elbow oo lala xiriirinayo afduubkii 2 Dhakhtar oo u dhalatay dalka Kuuba oo Jimcihii laga qafaashay Mandhera ayaa la amray in muddo 15 maalmood lagu sii hayo Saldhig Bolis oo ku yaalla Nairobi. Garsoore Muthoni Nazibe ayaa bixiyey Amarka lagu sii hayn doono Dareewalkaasi, kadib, markii ay Ciiddanka Boliska […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dareewalkaasi oo lagu magacaabo Isaaq Ibrayn Elbow oo lala xiriirinayo afduubkii 2 Dhakhtar oo u dhalatay dalka Kuuba oo Jimcihii laga qafaashay Mandhera ayaa la amray in muddo 15 maalmood lagu sii hayo Saldhig Bolis oo ku yaalla Nairobi.

Garsoore Muthoni Nazibe ayaa bixiyey Amarka lagu sii hayn doono Dareewalkaasi, kadib, markii ay Ciiddanka Boliska Kenya ugu qaabilsan La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda (ATPU) sheegeen inay Dareewalkaasi ku tuhunsan yihiin inuu ku lug lahaa Afduubkii loo geystay Labada Dhakhtar ee Kuubaanka oo lagu kala magacaabo Dr. Assel Herera Korea iyo Dr. Landays Rodrigus.

- Advertisement -

Sida laga xigtay Boliska dalkaasi waxaay sheegeen inay hayaan warbixino ay ururiyeen oo muujinaysa inuu Dareewalka xiran  ku lug lahaa afduubka Dhakhaatiirtaasi iyo inuu jiro xiriir dhex maray isaga iyo dadkii weerarka soo qaaday ee qafaashay Dhakhaatiirtaasi, waa sida hadalka loo dhigay.

Waa weerarkii 2-aad ee dad Ajaaniib ah laga soo qafaasho gudaha Kenya tan iyo bishii November 20-dii ee sannadkii hore, iyadoo xilligaasi Haweeney u dhalatay dalka Talyaaniga oo lagu magacaabo Silvia Konstansa Romano oo 23-jir ah laga qafaashay Tuulladda Jakama ee Gobalka Kilifi ee dalka Kenya.

 

- Advertisement -

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts