HomeWararSawirro:-Duqa Muqdisho oo gudoomiyay Shir looga hadlay qorshaha Amni ee caasimadda

Sawirro:-Duqa Muqdisho oo gudoomiyay Shir looga hadlay qorshaha Amni ee caasimadda

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eg.Yarisow) ayaa guddoomiyey Shirka Tubta Gobolka Banaadir oo looga hadlay Qorshaha Amniga Caasimadda, Awoodsiinta Dhalinyarada ee hirgelinta Is-XilQaan iyo horumarka Caasimada. Guddoomiyaha ayaa sheegay in la xoojinayo isla xisaabtanka dhammaan qeybaha Maamulka, isagoo ugu baaqay in si dhow loola shaqeeyo Hay’adaha ammaanka ee ku howllan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eg.Yarisow) ayaa guddoomiyey Shirka Tubta Gobolka Banaadir oo looga hadlay Qorshaha Amniga Caasimadda, Awoodsiinta Dhalinyarada ee hirgelinta Is-XilQaan iyo horumarka Caasimada.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in la xoojinayo isla xisaabtanka dhammaan qeybaha Maamulka, isagoo ugu baaqay in si dhow loola shaqeeyo Hay’adaha ammaanka ee ku howllan ka hortagga falalka argagixisadu u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Duqa Muqdisho ayaa xubnaha Maamulka ee kulan ka qeyb galay uga warbixiyey isbadalka dhinaca ammaanka ee lagu sameeyey Caasimadda, waxuna ka codsaday shacabka ku nool Muqdisho in so dhow loola shaqeeyo Ciidanka Amniga.

Eng.Yarisow ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo barnaamijka IsxilQaan ee dalka lagu dhisayo, waxuna uga mahadceliyey dhalinyarada doorka wanaagsan ee ka qaadanayaan dib-u-dhiska, isla markaana uu Maamulka Gobolka Banaadir ahmiyad gaar ah siinayo shaqo abuurka dhalinyarada iyo in kaalin wanaagsan ay ka qaataan horumarka dalkooda.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa warbixin ku addan horumarinta Waxbarashada Gobolka Banaadir iyo sidii uu Maamulku door fir-fircoon uga qaadan lahaa, waxaa laga dhageystay Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/laahi Goodax Barre.

- Advertisement -

Madaxda Heer Gobol iyo Heer Degmo ayaa si dhaw u falaanqeyey miro-dhalka Barnaamijyada muhiimka u ah Adeegyada Asaasiga Bulshada ee laga hirgelinayo Gobolka Banaadir, caqabadaha jira iyo sidii loo sidii loo dardargelin lahaa.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts