HomeWararMadaxweyne Farmaajo iyo Madax kale oo ka baaqday Shirweyne 30-aad oo Maanta...

Madaxweyne Farmaajo iyo Madax kale oo ka baaqday Shirweyne 30-aad oo Maanta furmaya

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Inta badan Madaxweynayaasha, Boqoradda iyo Amiiradda 22-ka Waddan ee xubinta ka ah Ururka Jamaacadda Carabta waxay ku sugan yihiin Caasimadda dalka Tunisia ee Tunis, oo la filayo inuu maanta uga furmo Shiweynihi 30-aad ee Madaxda Carabta. Boqorka dalka Sacuudiga iyo Amiirka dalka Qatar ayaa ka mid ah Madaxda ka qeyb galaysa Kulankaasi, iyadoo uu labadaasi […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Inta badan Madaxweynayaasha, Boqoradda iyo Amiiradda 22-ka Waddan ee xubinta ka ah Ururka Jamaacadda Carabta waxay ku sugan yihiin Caasimadda dalka Tunisia ee Tunis, oo la filayo inuu maanta uga furmo Shiweynihi 30-aad ee Madaxda Carabta.

Boqorka dalka Sacuudiga iyo Amiirka dalka Qatar ayaa ka mid ah Madaxda ka qeyb galaysa Kulankaasi, iyadoo uu labadaasi Dowladood ka dhexeeyo Khilaaf Diplomaasiyadeed oo soo taxnaa tan iyo sannadkii 2017-kii.

- Advertisement -

Shirweynaha 30-aad ee Hoggaamiyayaasha Carabta ayaa waxay ka wada hadli doonaan Ajendayaal Xasaasi ah oo ay ka mid yihiin Xaalladaha Falastiin, Yemen,Libya, Faragelinta ay Dowladda  Iiraan ku hayso Dalalka Gobalka, La-dagaalanka kooxaha loogu yeero Argaagixisadda iyo Qaddiyadda Buuraha Golan Haytis ee uu Madaxweynaha Maraykanka dhawaan u aqoonsaday qeyb ka mid ah Xudduudka Israel.

Dhinaca kale, Madaxda la xaqiijiyey inay ka baaqdeen Ka-qeybgalka Shirweynaha Hoggaamiyayaasha Carabta ku leeyihiin dalka Tunisia waxaa ka mid ah:

Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo, oo uu Kulankaasi u matalayo Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamaiga, Axmed Ciise Cawad oo horey uga qeyb galay Shirka Heer Wasiir Arrimo Dibadeed ee loogu gogol-xaarayey Shirka Madaxda Carabta.

- Advertisement -

Inkaastoo Madaxweyne Farmaajo lagu casuumay Kulankaasi, haddana ma kala cadda sababaha uu u xaadiri waayey Kulankaasi, iyadoo la rumeysan yahay inuu u baaqday sababo la xiriira Hawlaha dhinaca Ammaanka ee looga hortagayo weeraradda Alshabaab, oo iyagu isbuucii hore geystay qaraxyo badan.

Dhinaca kale, Madaxweynayaasha dalalka Algeria, Masar, Sudan, Imaaraadka Carabta, Boqorka dalka Moroko iyo Madax kale ayaan ka qeyb geli doonin Shirkaasi, iyadoo ay Wakiilo u matali doona Shirkaasi.

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts