HomeWararEng. Yariisow oo ka warbixiyey nooca howlgalada amni ee ka bilaabanaya Muqdisho

Eng. Yariisow oo ka warbixiyey nooca howlgalada amni ee ka bilaabanaya Muqdisho

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) oo shir jaraaid ku qabtay Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar ayaa ka warbixiyey hawlgallo lagu sugayo amniga Caasimadd oo ay ku hawllan yihiin laamaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya. Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay bulshada Gobolka Banaadir in ay si dhaw ula shaqeeyaan halyeeyada Soomaaliyeed […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) oo shir jaraaid ku qabtay Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar ayaa ka warbixiyey hawlgallo lagu sugayo amniga Caasimadd oo ay ku hawllan yihiin laamaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay bulshada Gobolka Banaadir in ay si dhaw ula shaqeeyaan halyeeyada Soomaaliyeed ee dhexda u xirtay sugidda iyo adkeynta amniga dadkooda iyo dalkooda.

- Advertisement -

“Maalmahaan waxaa u socday Madaxda Qaranku shirar ku qotoma sidii loo adkeyn lahaa amniga Caasimadda, shacabkuna ay u heli lahaayeen kalsooni buuxda oo ka aaddan arrinkan. Si taas loo xaqiijiyo waxaa bilowday hawlgallo lagu xasilinayo amniga oo ay wadaan Ciidamadu.”

Eng.Yarisow ayaa ka codsaday Bulshada Gobolka Banaadir in ay ka garaabaan caqabadaha dhanka isu socdka ee ka dhalanaya hawlgallada ay sameynaayaan Laamaha Ammaanku, sidoo kalena ay gacan ka gaystaan baaritaannada iyo dabagalka lagu wado argagixisada doonaysa in ay dhibaateeyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Guddoomiye Yarisow ayaa soo bandhigay qorshaha Gobolka Banaadir ee ku aaddan fududeynta isu-socodka Caasimadda inta ay socdaan hawlgallada amniga, isagoona sheegay in gaadiid dadweyne loo qorsheeyey dadka nugul ee aan karin socodka dheer.

- Advertisement -

Guddomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyey in Bahda Warbaahinta iyo shacabka Soomaaliyeedba ay si joogta ah ula wadaagi doonaan warbixinaha hawgalkan, caqabadaha ku xeeran ee loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo iyo mira dhalkiisa.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts