HomeWararFaah faahin: Dagaal ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose

Faah faahin: Dagaal ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Dagaalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay duleedka degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose,kaasi oo dhexmaray Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab. Dagaalkan ayaa waxaa la sheegay in uu yimid kadib markii dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen fariisimo Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin duleedka Qoryooley,isla markaana […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dagaalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay duleedka degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose,kaasi oo dhexmaray Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa waxaa la sheegay in uu yimid kadib markii dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen fariisimo Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin duleedka Qoryooley,isla markaana halkaas uu ka dhacay dagaal muddo laba saacadood ah socday.

- Advertisement -

Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay u sheegeen in dagalka uu ahaa mid culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,iyagoo uu jiro khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaalkaas oo soo kala gaaray labada dhinac.

Hayeeshee Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda oo ku sugan degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegeen in weerarkii Al-shabaab ay kusoo qaadeen ay iska difaaceen,isla markaana ay gaarsiiyeen khasaaro,inkastoo uusan jirin warar madax banaan oo xaqiijina.

Weli si rasmi looma oga Khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac eee ka dhashay dagaalkaas,waxaana saakay deegano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ka socdo dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo ay wadaan Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ee ku sugan halkaas.

- Advertisement -

Inta badan xiliyadii habeenkii ah ayaa Al-shabaab waxa ay weeraro kala duwan ku soo qaadaan fariisimaha Ciidamada dowlada iyo AMISOM ay ku leeyhiin Gobolada dalka,waxaana ka dhashay khasaarooyin kala duwan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts