HomeWararUganda oo ku baaqday in dhimista Ciiddanka AMISOM lagu saleeyo xaalladdaha ka...

Uganda oo ku baaqday in dhimista Ciiddanka AMISOM lagu saleeyo xaalladdaha ka taagan Somalia

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Taliyaha Ciiddanka Dhulka ee dalka Uganda, Jeneral David Muhoozi ayaa hadalkaasi ka sheegay Kulan uu la yeshay Danjirayaal ka socday Ururka Midowga Europe ee EU-da. Kulankaasi oo  shalay ka dhacay Xarumaha Dhexe ee Wasaaradda Difaaca iyo Ciiddanka Uganda ku leeyihiin Deegaanka Mabuya ee K/bari ee caasimadda Uganda ee Kampala, waxay labada dhinac kaga wada hadleen […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Taliyaha Ciiddanka Dhulka ee dalka Uganda, Jeneral David Muhoozi ayaa hadalkaasi ka sheegay Kulan uu la yeshay Danjirayaal ka socday Ururka Midowga Europe ee EU-da.

Kulankaasi oo  shalay ka dhacay Xarumaha Dhexe ee Wasaaradda Difaaca iyo Ciiddanka Uganda ku leeyihiin Deegaanka Mabuya ee K/bari ee caasimadda Uganda ee Kampala, waxay labada dhinac kaga wada hadleen Taageeradda ay EU-da siiyaan Ciiddanka Uganda iyo Hawlgalka AMISOM iyo Aragtida Dowladda Uganda ee qorshaha dhimista tiradda Ciiddanka AMISOM.

- Advertisement -

Diplomaasiyiinta ka socday EU-da oo uu hoggaaminayey Ambassador Attiliyo Basifiki waxay Taliyaha Ciiddanka Dhulka ee Uganda ka dhegeysteen warbixin ku aadan Xaalladda Ammaanka iyo Nabadda ee Gobalka iyo doorka ay Ciiddanka Uganda kaga jiraan Hawlgalladda ka socda dalalka Somalia iyo South sudan.

Taliyuhu waxa uu ugu baaqay Dowladaha xubnaha ka ah Ururka Midowga Europe inaysan ka daalin dadaalka ay ku bixinayaan Taageerida Hawlgalka AMISOM iyo Nabadda Somalia.

Jeneral David Muhoozi waxa uu Diplomaasiyiinta EU-da la wadaagay inay Dowladda Uganda rumeysan tahay in dhimista Ciiddanka AMISOM loo baahan yahay in lagu saleeyo Xaallad oo aan  waqti asaas looga dhigin.

- Advertisement -

“Xaalladda dhulka waa inay ahaato qoddobka ugu muhiimsan ee la tixgeliyo, marka la sameynayo Go’aanadda ku aadan Ammaanka Somalia” ayuu yiri Taliyaha Ciiddanka Dhulka ee Uganda, Jeneral David Muhoozi.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweeri Kabuta Museveni waxa uu bilowgii bishan ku hanjabay inuu Ciiddankiisa kala soo bixi doono Somalia, haddii ay QM iyo AMISOM go’aamiyaan in  la dhimo tirada Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, kuwaasi oo tiradoodu dhan tahay 6,223 Askari.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts