HomeWararKoonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

- Advertisement -
- Advertisement -

Golaha Wakiillada DKGS oo Ansixiyey Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixiyey Dib-u-eegista Miisaaniyadda Sanad-Maaliyadeedka 2026, ka dib dood iyo falanqeyn dheer oo ay ka yeesheen qodobbada iyo qorshaha miisaaniyadda.


Baydhabo – Wasiirka Maaliyadda Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Xuseen Maxamed Xaaji, ayaa maanta Golaha Wakiillada horgeeyey Dib-u-eegista Miisaaniyadda Sanad-Maaliyadeedka 2026, isagoo khudbad ka jeediyey muhiimadda ay miisaaniyaddu u leedahay qorsheynta iyo fulinta mudnaanta Dowladda.

- Advertisement -

Kaddib dood iyo falanqeyn dheer oo ay Xubnaha Golaha Wakiilladu ka yeesheen qodobbada iyo qorshaha Dib-u-eegista Miisaaniyadda, Golaha Wakiillada ayaa si rasmi ah u ansixiyey dib-u-eegista. Tallaabadani waxay qayb ka tahay habraacyada caadiga ah ee maareynta maaliyadda, taasoo u oggolaanaysa dowladda inay dib u eegto qiyaasaha dakhliga gudaha, deeqaha iyo kharashaadka si ay ula jaanqaadaan xaaladda dhaqaale ee hadda jirta .

Dib-u-eegista Miisaaniyaddu waa tallaabo muhiim ah oo lagu cusboonaysiinayo qiyaasaha dakhliga gudaha, deeqaha iyo kharashaadka Dowladda, si ay ula jaanqaadaan xaaladda dhaqaale, baahiyaha jira iyo mudnaanta Dowladda inta ka harsan sanad-maaliyadeedka 2026. Tani waxay muhiim u tahay hubinta in kheyraadka loo qoondeeyo si hufan oo loogu tala galay mashaariicda horumarineed iyo adeegyada bulshada.

Kaddib ansixinta, Wasiirka Maaliyadda, Mudane Xuseen Maxamed Xaaji, ayaa uga mahadceliyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad, Mudane Aadan Xasan Maxamed, iyo dhammaan Xubnaha Golaha Wakiillada, dooddii, talooyinkii iyo taageeradii ay ka muujiyeen Dib-u-eegista Miisaaniyadda.

- Advertisement -

Wasiirku waxa uu sidoo kale si gaar ah ugu mahadceliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Cali Cabdi Aadan, iyo Agaasimaha Waaxda Miisaaniyadda, Mudane Cabdicasiis Macallim Xuseen, dadaalkooda, hawlkarnimadooda iyo doorkii muhiimka ahaa ee ay ka qaateen diyaarinta iyo soo gudbinta Dib-u-eegista Miisaaniyadda Sanad-Maaliyadeedka 2026.

Dowladda Koonfur Galbeed waxay sii waddaa dadaalladeeda lagu xoojinayo maamulka maaliyadda iyo hufnaanta hay’adaha, iyadoo Wasaaradda Maaliyaddu ka go’an tahay in Dib-u-eegista Miisaaniyadda loo fuliyo si hufan, daahfuran oo mas’uuliyad leh, iyadoo la ilaalinayo mudnaanta Dowladda iyo danta guud.

Abdalle Yahye Ali
Abdalle Yahye Alihttps://abdalletech.com/
Website Administrator at Radio Dalsan, focused on content management, design, and digital publishing. Skilled in creating engaging articles and maintaining a clean, user-friendly website experience.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts