HomeCaalamkaBeesha Caalamka Oo Warbixin Ka Heshay Doorashada Soomaaliya

Beesha Caalamka Oo Warbixin Ka Heshay Doorashada Soomaaliya

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Guddiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa Muqdisho kulan xogsiin ah kula yeeshay safiirrada iyo wakiillada beesha caalamka,

- Advertisement -

Muqdisho – Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa kulan xogsiin ah la qaatay safiirada iyo wakiillada beesha caalamka isagoo ka warbixiyay horumarka laga gaaray geedi-socodka doorashooyinka qof iyo cod ee dalka ka socda. Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa safiirada dalalka Mareykanka, Ingiriiska, Shiinaha, Turkiga, Itoobiya, Kenya Suudaan iyo Masar, iyo sidoo kale wakiillo ka socday Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.


Kulankan ayaa muhiim u ah sababtoo ah waxa uu muujinayaa sida Guddigu ula wadaagayo beesha caalamka horumarka doorashooyinka, iyadoo ay jirto taageero caalami ah oo lagu xoojinayo hannaan dimuqraadi ah. Guddoomiyaha ayaa sheegay in doorashooyinka Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir ay si wanaagsan u soo dhameystireen, iyo in doorashooyin isku-sidkan ah ay ka qabsoomeen Gobolada Koonfur Galbeed, Galmudug, iyo in qorshaha Hirshabeelle uu socdo.

- Advertisement -

Guddoomiyaha ayaa xusay in dadka Soomaaliyeed ay fursad u heleen ku dhawaad 57 sano kadib inay doortaan wakiiladooda siyaasadeed, taasoo ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo dimuqraadiyadda dalka.

Safiirrada iyo wakiillada beesha caalamka ayaa soo dhaweeyay horumarka laga gaaray, waxayna xaqiijiyeen inay taageerayaan dadaallada lagu xoojinayo hannaan dimuqraadi ah oo awoodda doorashada dib loogu celinayo shacabka Soomaaliyeed. Waxay sidoo kale cadeeyeen inay Guddiga kala shaqeynayaan hirgelinta doorashooyin loo dhan yahay, hufan oo lagu kalsoonaan karo.

Abdalle Yahye Ali
Abdalle Yahye Alihttps://abdalletech.com/
Website Administrator at Radio Dalsan, focused on content management, design, and digital publishing. Skilled in creating engaging articles and maintaining a clean, user-friendly website experience.

Latest stories