HomeWararKoonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun 2026 – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdifitax Cali Mursal, ayaa maanta ka qayb galay Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya, halkaas oo uu kaga wadaagay waayo-aragnimada dowlad goboleedka ee dhinacyada dowladaha hoose, la qabsiga saameynta abaaraha iyo horumarinta bulshada, iyadoo […]

- Advertisement -

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay

Muqdisho, 8 Juun 2026 – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdifitax Cali Mursal, ayaa maanta ka qayb galay Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya, halkaas oo uu kaga wadaagay waayo-aragnimada dowlad goboleedka ee dhinacyada dowladaha hoose, la qabsiga saameynta abaaraha iyo horumarinta bulshada, iyadoo madashu ka furantay magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Shirkani wuxuu muhiimad weyn u leeyahay xilligan, iyadoo Soomaaliya ay soo food saartay abaaro daba-dheeraaday oo saameyn ku yeeshay deegaan badan. Koonfur Galbeed waxaa ka mid ah gobollada ugu nugul abaaraha, balse dadaallo wadajir ah ayaa gacan ka geystay yareynta saameynta iyadoo la adeegsanayo xoojinta maamulada degmooyinka iyo ka qaybgalka bulshada.

“Degmooyinka Koonfur Galbeed waxay sannadihii la soo dhaafay wajahaan abaaro daba dheeraaday, hase yeeshee dadaallo wadajir ah ayaa gacan ka geystay yareynta saameynta dhibaatooyinkaas,” ayuu yiri Wasiir Ku-xigeen Cabdifitax Cali Mursal. “Xoojinta maamulada degmooyinka iyo ka qaybgalka bulshada ayaa laf-dhabar u ah dadaallada lagu wajahayo caqabadaha jira.”

Wasiir Ku-xigeenka ayaa si gaar ah u carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay maalgelinta xalalka waara ee biyaha, isagoo tilmaamay in kaydinta biyaha roobka iyo horumarinta kaabeyaasha biyuhu ay yihiin furaha yareynta saameynta abaaraha. Sidoo kale, wuxuu ka warbixiyay horumarka laga sameeyay dhismaha goleyaasha deegaanka iyo qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha deegaanada qaar.

- Advertisement -

Dhanka kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Abdulkadir Elmi Cali, ayaa sheegay in madashani ay tahay fursad muhiim ah oo ay maayarrada iyo guddoomiyeyaasha degmooyinku ku wadaagaan waaya-aragnimadooda iyo xalalka lagu horumarin karo dowladaha hoose. Waxa uu intaas ku daray in sanadkan si gaar ah xoogga loo saarayo saamaynta abaaraha, ka hortagga colaadaha ka dhasha khayraad yaraanta, iyo sidii loo xoojin lahaa adkaysiga degmooyinka.

Ugu dambayn, Agaasimaha Guud ayaa kula dardaarmay ka qaybgalayaasha inay ka shaqeeyaan sidii loo heli lahaa xalal waara oo lagu wajahayo abaaraha, isla markaana la xoojiyo iskutashiga iyo iskaashiga gudaha si loo taageero horumarka iyo xasilloonida degmooyinka dalka.

Abdalle Yahye Ali
Abdalle Yahye Alihttps://abdalletech.com/
Website Administrator at Radio Dalsan, focused on content management, design, and digital publishing. Skilled in creating engaging articles and maintaining a clean, user-friendly website experience.

Latest stories