HomeNewsSomalilandSomaliland oo diyaargarowga ugu jirta cudurka Ebola

Somaliland oo diyaargarowga ugu jirta cudurka Ebola

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Somaliland oo diyaargarowga Ebola xoojinaysa Hargeysa, 31 May 2026 – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa maanta shir guddoomiyay kulan muhiim ah oo ku saabsan u-diyaargarowga ka hortagga cudurka Ebola, kaas oo diiradda lagu saaray qiimaynta iyo xoojinta heerka diyaargarowga qaranka, kadib markii cudurka laga soo sheegay dalalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah […]

- Advertisement -

Somaliland oo diyaargarowga Ebola xoojinaysa

Hargeysa, 31 May 2026 – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa maanta shir guddoomiyay kulan muhiim ah oo ku saabsan u-diyaargarowga ka hortagga cudurka Ebola, kaas oo diiradda lagu saaray qiimaynta iyo xoojinta heerka diyaargarowga qaranka, kadib markii cudurka laga soo sheegay dalalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) iyo Uganda.

Kulankan ayaa yimid xilli cudurka Ebola uu halis ku yahay Geeska Afrika iyo Bariga Afrika, iyadoo dalalka deriska ah ay kor u qaadeen dadaallada ka hortagga. Somaliland, oo mudnaanta siinaysa badbaadada caafimaadka bulshada, waxay bilawday qorshayaal iyo tallaabooyin hordhac ah si loo xoojiyo diyaargarowga qaranka, iyadoo laga filayo in maalmaha soo socda la qabanayo kulamo heer qaran oo lagu casuumayo hay’adaha caalamiga ah.

- Advertisement -

“Wasaaraddu mar walba heegan ugu jirtaa ka hortagga cudurrada faafa, xoojinta nidaamka caafimaadka iyo hubinta in muwaadiniintu helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh, ammaan ah, isla markaana waxtar leh,” ayuu yiri Wasiir Xuseen Bashiir Xirsi. “Waxaanu diyaar u nahay inaan la shaqeyno bah-wadaagta caalamiga ah si loo xaqiijiyo heegan buuxa oo looga hortagayo xaalad kasta oo caafimaad oo degdeg ah.”

Wasiirku waxa uu intaas ku daray in kulankan uu ahaa bilowga kulamo taxane ah, isagoo sheegay in la qabanayo kulamo heer qaran oo lagu casuumayo wasaaradaha kale ee dowladda, hay’adaha caalamiga ah iyo bah-wadaagta caafimaadka, si loo xaqiijiyo wada-shaqayn, isu-duwid iyo heegan buuxa.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Wasiir-ku-xigeenka, Agaasimaha Guud, iyo khubaro ka socotay Waaxda Caafimaadka Guud, Waaxda Qorshaynta iyo Siyaasadda, Waaxda Tallaalka iyo Caafimaadka Carruurta, Waaxda Xaaladaha Degdegga ah, iyo saraakiil ka socday Shaybaadhka Qaranka.

- Advertisement -

Cudurka Ebola waa xanuun halis ah oo si degdeg ah u faafi kara. Somaliland waxay ka go’an tahay inay la jaanqaaddo isbeddellada caalamiga ah, iyadoo hore uga digaysa faafitaan suurtagal ah. Dowladda waxay sidoo kale diyaarinaysaa qalabka shaybaadhka iyo xarumaha go’doominta haddii loo baahdo.

Abdalle Yahye Ali
Abdalle Yahye Alihttps://abdalletech.com/
Website Administrator at Radio Dalsan, focused on content management, design, and digital publishing. Skilled in creating engaging articles and maintaining a clean, user-friendly website experience.

Latest stories