HomeWararCiidanka Xoogga oo dagaal culus ku galay Jabad Carbeyd

Ciidanka Xoogga oo dagaal culus ku galay Jabad Carbeyd

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Ciidanka Xoogga oo dagaal culus ku galay Jabad Carbeyd Jabad Carbeyd, 30 May 2026 – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howlgallo qorsheysan oo ka dhan ah Hogaamiyeyal AS ka fuliyay deegaannada Jabad Carbeyd iyo Dabagaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo ujeedku ahaa xoojinta amniga iyo ka hortagga dhagarta uu ku dhuumaaleysanaa qeybo ka mid […]

- Advertisement -

Ciidanka Xoogga oo dagaal culus ku galay Jabad Carbeyd

Jabad Carbeyd, 30 May 2026 – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howlgallo qorsheysan oo ka dhan ah Hogaamiyeyal AS ka fuliyay deegaannada Jabad Carbeyd iyo Dabagaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo ujeedku ahaa xoojinta amniga iyo ka hortagga dhagarta uu ku dhuumaaleysanaa qeybo ka mid ah gobolka.

Howlgalladan oo ay fuliyeen ciidamada gaarka ah ee Kumaandooska Gorgor – gaar ahaan Ururka 195-aad ee Guutada 19-aad, Qaybta 1-aad – ayaa ka mid ah istaraatiijiyadda cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee lagu xakameynayo hoggaamiyeyaasha kooxda Al-Shabaab. Tani waxay muhiim u tahay xilligan, maadaama hoggaamiyeyaashu ay wali ka joogto deegaanno badan oo Shabeellaha Dhexe ah, kana carqaladeynayo nabadda iyo xasilloonida shacabka.

- Advertisement -

Taliyaha Ururka 195-aad ee Guutada 19-aad Kumaandooska Gorgor, Dhamme Maxamed Cumar Duufaan, ayaa sheegay in howlgalladan ay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu sugayo amniga.

“Howlgalladan waxay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo argagixisada, waxaanana ku xaqiijinaynaa amniga shacabka iyo deegaannada laga saaray kooxaha nabad-diidka ah,” ayuu yiri Dhamme Duufaan. “Hogaamiye katirsan AS ayaa lagu bartilmaameedsaday howlgalkan, waxaanan ugu baaqaynaa shacabka inay la shaqeeyaan ciidanka.”

Taliyaha ayaa intaas ku daray in howlgalladu ay sii xoojinayaan amniga deegaannada, isla markaana ay ciidanku diyaar u yihiin inay la dagaallamaan khatar kasta oo ka imaanaysa hoggaamiyeyaasha AS.

- Advertisement -

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa muddooyinkii dambe sii xoojiyay howlgallada ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo lagu baacsanayo hoggaamiyeyaasha AS iyo kooxaha carqaladeeya nabadda iyo xasilloonida dalka.

Abdalle Yahye Ali
Abdalle Yahye Alihttps://abdalletech.com/
Website Administrator at Radio Dalsan, focused on content management, design, and digital publishing. Skilled in creating engaging articles and maintaining a clean, user-friendly website experience.

Latest stories