HomeNewsSomaliland Israa’iil oo soo dhaweysay safaaradda Somaliland ee Jerusalem

 Israa’iil oo soo dhaweysay safaaradda Somaliland ee Jerusalem

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Tel Aviv, 20 May 2026 – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, Mudane Gideon Sa’ar, ayaa maanta soo dhaweeyay go’aanka Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ee lagu dhisayo safaarad ay Somaliland ku yeelanayso magaalada Jerusalem, isaga oo ku tilmaamay tallaabada mid muhiim ah oo sii xoojinaysa xiriirka labada dhinac. Somaliland, oo ah dowlad iskeed ugu dhawaaqday […]

- Advertisement -

Tel Aviv, 20 May 2026 – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, Mudane Gideon Sa’ar, ayaa maanta soo dhaweeyay go’aanka Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ee lagu dhisayo safaarad ay Somaliland ku yeelanayso magaalada Jerusalem, isaga oo ku tilmaamay tallaabada mid muhiim ah oo sii xoojinaysa xiriirka labada dhinac.

Somaliland, oo ah dowlad iskeed ugu dhawaaqday gooni-isu-taagga 1991-kii, ma ahan mid aqoonsi caalami ah heshay, laakiin waxay la wadaagtaa Israa’iil xiriir aan rasmi ahayn oo soo jireen ah. Go’aanka safaaradda lagu furayo Jerusalem – oo ay Israa’iil ku tilmaanto caasimadeeda, halka ay qaar ka mid ah beesha caalamku u arkaan dhul ay qabsadeen – waxa uu noqonayaa tallaabo culus oo siyaasadeed.

“Furitaanka safaaradda Somaliland ee Jerusalem wuxuu noqon doonaa tallaabo muhiim ah oo sii xoojinaysa xidhiidhka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal iyo shacabkooda,”

- Advertisement -

ayuu yiri Wasiir Gideon Sa’ar farriin uu ku daabacay Facebook-ka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil. “Waxaan si wadajir ah uga shaqayn doonaa hirgelinta qorshahaasi dhawaan.”

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in safaaradda Somaliland ay noqon doonto safaaraddii siddeedaad ee laga furo magaalada Jerusalem, isagoo Madaxweyne Cirro ku casuumay inuu booqasho rasmi ah ku tago magaaladaasi.

Ilo ka socotay Somaliland ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu si fiican uga jawaabay casuumaadda, iyadoo la filayo in la qabto wadahadallo heer sare oo ku aaddan faahfaahinta safaaradda. Tallaabadan ayaa ah mid ka mid ah taxane heshiis oo Israa’iil ay la gashay dalal Afrikaan ah sida Marooko, Suudaan, iyo Koonfur Suudaan, kuwaas oo qaarkood ay safaaraddooda ka fureen Jerusalem.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli ka hadlin go’aankan, laakiin ilo ka socotaya Muqdisho ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku adkeysaneyso midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo Somaliland ay qayb ka tahay dalka. Go’aanka Israa’iil iyo Somaliland ayaa laga yaabaa inuu kordhiyo xiisadda Siyaasadda gobolka Geeska Afrika.

Abdalle Yahye Ali
Abdalle Yahye Alihttps://abdalletech.com/
Website Administrator at Radio Dalsan, focused on content management, design, and digital publishing. Skilled in creating engaging articles and maintaining a clean, user-friendly website experience.

Latest stories