HomeWararGolaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka hadlay xiisadda Koonfur Galbeed

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka hadlay xiisadda Koonfur Galbeed

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka hadlay xiisadda Koonfur Galbeed

- Advertisement -
- Advertisement -

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay kaga hadlayaan xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyagoo si rasmi ah u soo dhaweeyay go’aanka maamulkaas.

Golaha ayaa sheegay in go’aanka uu qaatay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed, uu yahay mid waafaqsan dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee la ansixiyay sanadkii 2012. Waxay xuseen in tallaabadan ay muhiim u tahay ilaalinta nidaamka federaalka, midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Sidoo kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in Koonfur Galbeed ay qabato doorashooyin loo dhan yahay, hufan oo waafaqsan dastuurka, si loo xoojiyo hay’adaha dowladnimada iyo kalsoonida shacabka.

Dhanka kale, goluhu wuxuu ugu baaqay maamulada kale sida Galmudug iyo Hirshabeelle in ay dedejiyaan hirgelinta doorashooyin heshiis lagu yahay, kuna saleysan dastuurka ku meel gaarka ah iyo mabaadi’da federaalka.

Golaha ayaa sidoo kale si adag uga digay in ciidamada qalabka sida loo adeegsado khilaafaadka siyaasadeed, iyagoo ku baaqay in xal kasta lagu raadiyo wadahadal iyo is-afgarad siyaasadeed.

- Advertisement -

Ugu dambeyn, waxay ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed in ay ilaaliyaan midnimada, kana fogaadaan tallaabo kasta oo horseedi karta kala fogaansho iyo qalalaase siyaasadeed, si loo sugo xasilloonida iyo horumarka dalka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts