- Advertisement -
Wasaaradda Gaashaandhigga Sacudi Carabiya ayaa shaacisay inay qabatay laba gantaal oo nooca cruise ah kuwaas oo ku wajahnaa koonfurta caasimadda Riyadh, sida ay weriyeen Reuters iyo Agence France-Presse (AFP).
Sidoo kale, Saudi Press Agency ayaa sheegtay in sagaal diyaaradood oo aan duuliye lahayn (drones) la qabtay ka hor inta aysan gaarin bartilmaameedkooda.
- Advertisement -
Mas’uuliyiinta Sacudi Carabiya ma aysan caddeyn halka laga soo tuuray gantaallada iyo diyaaradahaas, waxaana weli taagan walaac ku saabsan xiisadda sii kordheysa ee gobolka.
Dhacdadan ayaa imaneysa xilli ay sare u kaceen iskahorimaadyada milatari ee Bariga Dhexe, iyadoo dalal badan ay kordhiyeen heegankooda amni.
