HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo La Kulmaya Axmed Madoobe iyo Deni

Madaxweyne Xasan Sheekh oo La Kulmaya Axmed Madoobe iyo Deni

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa La Kulmaya Axmed Madoobe iyo Deni

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta la filayaa inuu kulankii ugu horreeyay la yeesho Golaha Mustaqbalka, oo ay ku jiraan madaxda Puntland, Jubaland iyo xubno ka tirsan Madasha Samatabixinta Mucaaradka.

Madaxweynaha ayaa booqan doona xarunta Xalane, halkaas oo ay degan yihiin qaar ka mid ah hoggaanka Golaha Mustaqbalka, isla markaana lagu wado in kulanka qado-sharafeedka ah uu ka dhaco.

- Advertisement -

Kulankan ayaa la doonayaa inuu noqdo tallaabo isu soo dhawaansho ah, si gogol loogu xaadho shirka ballaaran ee looga hadlayo arrimaha doorashooyinka iyo marxaladaha kala guurka ee dalka wajahayo.

Ilaa hadda lama oga waxa si rasmi ah uga soo bixi doona kulanka maanta, iyadoo laga wada hadli doono qabsoomidda shirka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, iyo caqabadaha hortaagan.

Labada dhinac ayaa weli isku fahmi la’ goobta shirka rasmiga ah lagu qabanayo. Golaha Mustaqbalka waxay ku adkeysanayaan in lagu qabto gudaha Xalane, halka Dowladda Federaalka ay dooneyso in kulanku ka dhaco Madaxtooyada Qaranka.

- Advertisement -

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland oo muddo toddobaad ah ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa hore ula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Xamse Cabdi Barre iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts