HomeWararHorjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Gobolka Hiiraan

Horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Gobolka Hiiraan

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Gobolka Hiiraan

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Aboorey ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Ururka 8-aad Guutada 18-aad, qeybta koowaad ee Kumaandooska Gorgor, Dhamme Naqiib Cabdullaahi Xersi, kaas oo xaqiijiyay in la khaarajiyay horjoogayaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo ku howlanaa farsameynta qaraxyada lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Taliyuhu ayaa sheegay in howlgallada ka socda gobollada dalka ay jab xooggan ku gaarsiiyeen Khawaarijta, kuwaas oo ku waayay horjoogayaal iyo maleeshiyaad tiro badan oo dhibaato ku hayay dadka masaakiinta ah.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka ay ku ciribtirayaan kooxaha argagixisada ah, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida guud ee dalka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts