HomeWararGuddiyada Dib-u-eegista Dastuurka oo soo-jeedimahooda u gudbiyay Guddoonka Baarlamaanka

Guddiyada Dib-u-eegista Dastuurka oo soo-jeedimahooda u gudbiyay Guddoonka Baarlamaanka

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ay wehliyaan Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, Guddoomiye-ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Guddoomiye-ku-xigeenka Labaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacadde, ayaa kulan la qaatay guddiyada u xilsaaran Dib-u-eegista Dastuurka.

Intii uu kulanku socday, guddiyada Dib-u-eegista Dastuurka ayaa guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka ku wareejiyay soo-jeedimaha wax-ka-beddelka Cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee Dastuurka Qaranka.

- Advertisement -

Sidoo kale, guddiyadu waxay guddoonka la wadaageen shintiriska (jadwaleynta) doodda ku saabsan soo-jeedimaha wax-ka-beddelka, si loo guda-galo marxaladda xigta ee doodo rasmi ah oo ku saabsan Dastuurka.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu dardar-gelinayo geeddi-socodka Dib-u-eegista Dastuurka Qaranka, looguna gogol-xaadhayo ansixinta qodobbo muhiim u ah dhismaha dowladnimo ku dhisan sharci, hufnaan iyo isla xisaabtan.

Latest stories