HomeWararDhaqdhaqaaq siyaasadeed oo ka dhan ah Madaxweyne Deni oo ka curtay Boosaaso

Dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo ka dhan ah Madaxweyne Deni oo ka curtay Boosaaso

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Kulamo siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah Madaxweynaha Maamulka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka billowday magaalada Boosaaso oo ah xarunta ganacsiga Gobolka Bari.

Dhaqdhaqaaqan siyaasadeed waxaa hoggaaminaya siyaasiyiin si weyn uga soo horjeeda hab-maamulka Puntland, kuwaas oo ay ka mid yihiin Maxamuud Mashruuc, Faarax Cali Shire iyo xubno kale. Siyaasiyiintan ayaa si adag u dhaliilaya nidaamka uu Madaxweyne Deni ku hoggaaminayo Puntland, iyagoo ku eedeynaya inuu ka gaabiyay arrimo la xiriira maamulka, amniga iyo horumarka.

- Advertisement -

Siyaasiyiinta ku sugan Boosaaso ayaa sheegay in ujeedkooda ugu weyn uu yahay in ay u kuurgalaan xaaladda nololeed iyo tan amni ee ka jirta Puntland, isla markaana ay la yeeshaan la-tashiyo ballaaran bulshada deegaanka.

Waxay sidoo kale ku eedeeyeen Madaxweyne Saciid Deni inuusan aaminsaneyn qaranimada Soomaaliya, isla markaana uu caqabad ku yahay dadaallada lagu difaacayo midnimada iyo wadajirka dalka.

Wararka ayaa tilmaamaya in magaalada Boosaaso maalmaha soo socda lagu qaban doono shir ballaaran oo looga soo horjeedo Madaxweyne Deni, kaas oo lagu falanqeyn doono xaaladda siyaasadeed ee Puntland iyo mustaqbalka maamulka.

- Advertisement -

Dhaqdhaqaaqyadan siyaasadeed ayaa la filayaa in ay saameyn ku yeeshaan xasilloonida siyaasadeed ee Puntland, isla markaana ay sii kordhiyaan khilaafaadka u dhexeeya hoggaanka maamulka iyo mucaaradka, arrintaas oo laga cabsi qabo inay wiiqdo amniga, horumarka iyo wada-shaqeynta Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Latest stories