HomeWararSucuudiya oo si cad u diidday isku dayada lagu kala qaybinayo Soomaaliya

Sucuudiya oo si cad u diidday isku dayada lagu kala qaybinayo Soomaaliya

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Sucuudiya oo si cad u diidday isku dayada lagu kala qaybinayo Soomaaliya

- Advertisement -

Golaha Wasiirrada Boqortooyada Sucuudiga, oo uu guddoomiyay Boqor Salman bin Cabd Al-Aziz, ayaa si cad u diiday isku day kasta oo lagu doonayo in lagu kala qaybiyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ama lagu xadgudbo madax-bannaanida dhuleed ee dalka.

Bayaan ka soo baxay kulanka Golaha Wasiirrada ayaa lagu sheegay in Boqortooyada Sucuudigu si adag uga soo horjeeddo abuurista hay’ado ama maamulo ka shaqeeya wiiqidda midnimada iyo suveraanida Soomaaliya, isla markaana ay si buuxda u taageerayso dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ilaalinta dhulkeeda.

- Advertisement -

Goluhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in Sucuudigu diidan yahay faragelin kasta oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee Soomaaliya, iyo tallaabooyin kasta oo dhaawacaya midnimada, madax-bannaanida iyo jiritaanka qarannimada dalka.

Go’aankan ayaa imanaya xilli gobolka Geeska Afrika uu wajahayo xaalad xasaasi ah oo siyaasadeed iyo mid amni, iyadoo Boqortooyada Sucuudigu ay mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay taageerada xasilloonida, nabadda iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Latest stories