HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh “Nasiib darro Dowladda Imaaraatka nooma dhaqmin sidii dal madax-bannaan”

Madaxweyne Xasan Sheekh “Nasiib darro Dowladda Imaaraatka nooma dhaqmin sidii dal madax-bannaan”

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Madaxweyne Xasan Sheekh “Nasiib darro Dowladda Imaaraatka nooma dhaqmin sidii dal madax-bannaan”

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa faahfaahin ka bixiyay sababaha keenay in dowladda Soomaaliya ay baabi’iso heshiisyadii ay la gashay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha oo khudbad u jeediyay shacabka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo ku tilmaamay mid lagama maarmaan u ahaa ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo qaranimada dalka.

- Advertisement -

“Dowladda Imaaraadka Carabta si niyad-sami leh ayaan heshiisyo ula galnay, balse nasiib darro nooma dhaqmin sidii dal madax-bannaan oo nala mid ah. Marar badan ayaan ka codsanay in nala macaamilaan sidii hal dowlad, ayna joojiyaan habka doc-faruurka ah ee ay albaabada kala duwan uga soo galayaan dalkeenna, iyagoo fulinaya arrimo aysan dowladda federaalka ka warqabin, kuwaas oo xadgudub ku ah haybadda iyo qaranimada Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in kaddib baaritaan, qiimeyn iyo ka baaraan-deg dheer, ay dowladda ku qasbanaatay inay qaadato go’aanka lagu buriyay dhammaan heshiisyadii ay la gashay Imaaraadka Carabta.

“Waxaan qaadi doonnaa tallaabooyin kale oo dheeri ah oo lagu difaacayo midnimada dalkeena, mana jirto cid aan uga tanaasulayno midnimada Qaranka Soomaaliyeed,” ayuu sii raaciyay Madaxweynaha.

- Advertisement -

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku celiyay in hab-dhaqanka Imaaraadka Carabta uusan waafaqsanayn xiriir dowladnimo oo ku dhisan is-ixtiraam iyo madaxbannaani, taas oo sababtay go’aannada adag ee ay qaadday Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa bogaadiyay dareenka waddaniyadeed iyo mideysnaanta ay muujiyeen shacabka Soomaaliyeed, isaga oo xusay in dowladdu ay si buuxda uga go’an tahay ilaalinta danaha, midnimada iyo nolosha guud ee shacabka Soomaaliyeed.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts