HomeWararAgaasimaha Sirdoonka Itoobiya oo yimid Muqdisho

Agaasimaha Sirdoonka Itoobiya oo yimid Muqdisho

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Agaasimaha Sirdoonka Itoobiya oo safar qarsoodi ah ku yimid Muqdisho

- Advertisement -
- Advertisement -

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Itoobiya, Ridwan Xuseen, ayaa maanta safar aan horay loo shaacin ku soo gaaray magaalada Muqdisho.

Ridwan Xuseen ayaa kulan albaabada u xirnaa la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana la sheegay inuu gaarsiiyay farriin uu ka siday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

- Advertisement -

Faahfaahin rasmi ah lagama bixin ujeedka kulanka, balse ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in laga wada hadlay isbeddellada siyaasadeed iyo amni ee ka socda gobolka Geeska Afrika.

Booqashadan ayaa ku soo beegmaysa xilli uu Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed Axaddii booqasho ku tagay dalka Jabuuti, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay nabadda, amniga iyo iskaashiga gobolka.

Safarka Taliyaha Sirdoonka Itoobiya ee Muqdisho ayaa imanaya iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha Geeska Afrika, gaar ahaan kaddib markii Israa’iil ay shaacisay aqoonsiga Somaliland.

- Advertisement -

Ilaa hadda wax war rasmi ah kama soo bixin dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo ku saabsan booqashadan maanta dhacday.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts