HomeWararSafiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay oo Digniin Culus u Diray Israa’iil

Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay oo Digniin Culus u Diray Israa’iil

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Danjire Abuukar Baalle, ayaa si cad uga digay Israa’iil inay ku xadgudubto madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Danjiraha ayaa hadalkan ka jeediyay intii uu socday fadhigii degdegga ahaa ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, halkaas oo uu si faahfaahsan ugu muujiyay walaaca dowladda Soomaaliya ee la xiriira faragelinta Israa’iil.

- Advertisement -

Danjire Abuukar Baalle ayaa adkeeyay in tallaabo kasta oo lagu xadgudbayo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay si toos ah uga hor imaanayso qawaaniinta iyo mabaa’diida sharciga caalamiga ah, isla markaana ay halis ku tahay nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Ugu dambayn, Safiirka Soomaaliya ayaa ugu baaqay beesha caalamka in la ixtiraamo shuruucda caalamiga ah, madaxbannaanida dalalka iyo midnimada Soomaaliya, isaga oo mar kale xaqiijiyay in Soomaaliya ay si joogto ah ugu dheggan tahay iskaashiga iyo taageerada caalamiga ah.

Latest stories