HomeCaalamkaRa’iisul Wasaarihii Hore ee Bangladesh oo Geeriyootay

Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Bangladesh oo Geeriyootay

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Ra’iisul-wasaarihii hore ee dalka Bangladesh

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul-wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Khaleda Zia, oo ahayd haweeneydii ugu horreysay ee xilka Ra’iisul Wasaare ka qabata dalkaas, ayaa geeriyootay iyadoo 80 jir ah, kaddib xanuun muddo dheer hayay.

Khaleda Zia ayaa hoggaamisay dowladda Bangladesh sanadkii 1991, kaddib markii xisbigeeda uu ku guuleystay doorashadii dimuqraadiyadeed ee ugu horreysay ee dalka ka dhacda muddo ku dhow 20 sano, taas oo astaan u noqotay bilow cusub oo siyaasadeed.

- Advertisement -

Dhakhaatiirta daryeeshay ayaa Isniintii sheegay in xaaladdeedu ay ahayd mid aad u halis ah, isla markaana lagu xiray qalabka neefsinta (life support). Sababo la xiriira da’deeda iyo caafimaadkeeda guud oo aad u liitay awgood, suurtagal ma noqon in la siiyo dawooyin badan isku mar, sida ay sheegeen dhaqaatiirtu.

Inkasta oo caafimaadkeedu xilliyadii dambe liitay, haddana xisbigeedu horay ayuu u shaaciyay in Khaleda Zia ay qorsheyneyso ka-qaybgalka doorashooyinka guud ee la filayo bisha Febraayo, kuwaas oo noqon lahaa doorashooyinkii ugu horreeyay tan iyo kacdoonkii horseeday in xilka laga tuuro Ra’iisul-wasaarihii hore ee kale ee ay xafiiltamaan, Sheekh Xasiina.

Geerida Khaleda Zia ayaa lagu tilmaamay mid saameyn weyn ku yeelatay siyaasadda Bangladesh, maadaama ay ka mid ahayd hoggaamiyeyaasha ugu miisaanka culus taariikhda dalkaas.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts