HomeWararHay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Jaamacadda Muqdisho oo Qabtay Madasha Saddexaad ee Amniga...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Jaamacadda Muqdisho oo Qabtay Madasha Saddexaad ee Amniga Saaybarka Qaranka Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland President Irro Set for Official Visit to Israel

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as Irro, is...

President Mohamud: Opposition lacks political vision since 2023

Somali President Hasan Sheikh Mohamud said opposition groups have...

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka Cammaan, Urdun...

Three Officers Wounded as Al-Shabaab Strikes Elite SOG Base in Mandera

Three police officers sustained injuries when suspected Al-Shabaab fighters attacked a Special Operations Group (SOG) camp in Fino, located in Lafey Sub-County, Mandera County, on Friday night.

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.
- Advertisement -

Madasha Amniga Saaybarka Qaranka ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Muqdisho, iyadoo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) iyo Jaamacadda Muqdisho. Madashan oo socon doonta muddo labo maalmood ah, oo cinwaankeedu yahay “Hormarinta Amniga Dhigitaalka ee Soomaaliya,” ayaa waxaa kasoo qeybgalay khubaro, mas’uuliyiin ka socda dowladda, shirkadaha isgaarsiinta, shirkadaha bixiya adeegga internetka, bangiyada, iyo ururada bulshada rayidka ah.

Madashan, oo ah mid sanadle ah, ayaa ujeeddadeedu tahay xoojinta amniga dhijitaalka ee dalka, kobcinta iskaashiga u dhexeeya dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay, iyo horumarinta fahamka guud ee daneeyayaasha ee ku wajahan mas’uuliyadda wadajirka ah ee amniga dhijitaalka. Sidoo kale, madasha waxaa lagu falanqeyn doonaa doorka amniga Saaybar-ka ee kaabayaasha dhijitaalka ee qaranka (Digital Public Infrastructure), iyo baahida loo qabo nidaamyo iyo siyaasado casri ah si loo yareeyo khataraha sii kordhaya ee internet-ka.

- Advertisement -

Isaga oo ka hadlayay furitaanka madasha, Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho, Dr Ibraahim Maxamed Mursal, ayaa soo dhaweeyay ka-qaybgalayaasha, isaga oo adkeeyay baahida loo qabo iskaashi dhow oo u dhexeeya dowladda, jaamacadaha, iyo hay’adaha gaarka loo leeyahay. Wuxuu sidoo kale bogaadiyay iskaashiga u dhexeeya Jaamacadda Muqdisho iyo Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ee wada-qabashada madashan.

Dhankiisa, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, oo furitaanka madasha ka hadlay, ayaa xusay in amniga saaybarku yahay tiir-dhexaad ka mid ah ajendaha isbeddelka dhijitaalka ee Soomaaliya, isla markaana loo baahan yahay iskaashi dhow oo u dhexeeya hay’adaha dowladda, jaamacadaha, iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay si wadajir ah loo wajaho khataraha saaybarka. Maareeyaha ayaa sidookale xusay in HIQ ay ka go’an tahay dhismaha nidaamyo iyo awood farsamo si loo ilaaliyo kaabayaasha isgaarsiinta qaranka iyo adeegyada dhijitaalka.

Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Xildhibaan Maxamed Macallin Adan (Soomaali), ayaa si rasmi ah u furay madasha. Wasiirka ayaa ku tilmaamey in Amniga Saaybarka-ku uu yahay halbeeg qaran oo mudnaan gaar ah leh, isla markaana wasaaraddu ay waddo diyaarinta iyo hirgelinta sharciyo iyo siyaasado lagu xoojinayo amniga dhijitaalka ah, laguna ilaalinayo xogta iyo adeegyada muhiimka u ah bulshada iyo dowladda. Wasiirka ayaa sheegay in mar dhaw baarlaamaanka ansixin doono sharciga Amniga Saaybarka.

- Advertisement -

Inta lagu guda jiro labada maalmood ee madasha, waxaa lagu soo bandhigi doonaa khudbado muhiim ah, fadhi-doodyo, warbixinno cilmi-baaris, iyadoo  diiradda lagu saari doono horumarinta amniga Saaybar-ka ee dalka, wacyigelinta bulshada, iyo iskaashiga u dhexeeya daneeyaasha kala duwan ee amniga saaybarka dalkeenna. Doodahaasi waxaa laga filayaa in ay soo saaraan talooyin wax-ku-ool ah oo lagu sii xoojinayo heerka amniga saaybarka ee qaranka.

Madashan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo Soomaaliya u qaadday dhanka horumarinta nidaamyo, siyaasado, iyo awood qaran oo lagu xaqiijinayo amniga dijitaalka ah iyo adkeysiga kaabeyaasha dhijitaalka ee qaranka.

 

 

Latest stories