HomeWararXildhibaanada Labada Aqal ee BFS oo ka dooday Miisaaniyadda DFS ee Sanadka...

Xildhibaanada Labada Aqal ee BFS oo ka dooday Miisaaniyadda DFS ee Sanadka 2026

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka

- Advertisement -

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, iyagoo galay kalfadhiga 7-aad kulankiisa toddobaad. Kulanka ayaa waxaa shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), waxaana wehelinayay Guddoomiye ku-xigeennada labada Aqal ee Baarlamaanka.

Kulanka wadajirka ah oo ku furmay kooram dhan 169 Xildhibaan, ayaa ajandihiisu ahaa Akhrinta Labaad ee Xeerka Qoondada Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2026. Akhrinta labaad ee warbixinta miisaaniyadda waxaa mudanayaasha u akhriyey Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Maxamed Haaruun Cabdullaahi.

- Advertisement -

Intaas kaddib, iyadoo ay kulanka joogeen mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Maaliyadda, Xildhibaanada labada Aqal ayaa su’aalo iyo aragtiyo kala duwan ka dhiibtay miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2026, gaar ahaan kororka ku yimid iyo meelaha loogu talo-galay in lagu bixiyo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo kulanka soo xiray, ayaa faray guddiyada maaliyadda ee labada Aqal in ay soo diyaariyaan Akhrinta Saddexaad ee miisaaniyadda, iyagoo ku daraya doodaha iyo talooyinka Xildhibaanada, si dib loogu soo celiyo Golaha looguna marsiiyo akhrinta ugu dambeysa.

Latest stories