HomeWararMucaaradka oo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakur u doortay wakiilkooda shirka Nairobi

Mucaaradka oo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakur u doortay wakiilkooda shirka Nairobi

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan

- Advertisement -
- Advertisement -

Siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa xalay shir muhiim ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyagoo ka arrinsaday casuumaadda rasmiiga ah ee uga timid dowladda Kenya ee ku saabsan shirka siyaasadeed ee dhawaan lagu qaban doono magaalada Nairobi.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta casuumaadda Kenya, saamiga Madasha ee ka qeybgalka, iyo xaaladda cakiran ee siyaasadda dalka, gaar ahaan khilaafka ka taagan habraaca doorashada.

- Advertisement -

Madasha ayaa ku heshiisay in shirka Nairobi uu matalo hal wakiil oo rasmi ah, si looga fogaado jahwareer siyaasadeed. Waxay si rasmi ah u doorteen Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame inuu noqdo wakiilka keliya ee uga qeybgeli doona shirkaas.

Cabdiraxmaan Cabdishakur ayaa lagu tilmaamay siyaasi khibrad leh oo xiriir dhow la leh beesha caalamka, taasoo ka dhigaysa inuu awood u leeyahay gudbinta aragtida mucaaradka ee ku saabsan mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya.

Shirka Nairobi oo ay soo qabanqaabisay dowladda Kenya, isla markaana ay ka qeybgalayaan wakiillo iyo dowlado caalami ah, ayaa looga hadlayaa jahwareerka doorashada Soomaaliya, habsami u socodka nidaamka qof iyo cod ah, iyo khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.

- Advertisement -

Warar hoose ayaa tilmaamaya in beesha caalamka ay si dhow u eegayso dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee Muqdisho, iyadoo mucaaradka iyo Golaha Mustaqbalka ay isku diyaarinayaan wada-hadallo diblomaasiyadeed oo ay Nairobi ku yeelan doonaan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts