HomeWararPuntland oo Soo Jeedisay in Caasimadda Dalka Laga Wareejiyo Muqdisho loona Wareejiyo...

Puntland oo Soo Jeedisay in Caasimadda Dalka Laga Wareejiyo Muqdisho loona Wareejiyo Garoowe

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Dowladda Gobolleedka Puntland ayaa si rasmi ah u soo jeedisay in caasimadda Federaalka Soomaaliya laga raro magaalada Muqdisho, loogana raro magaalada Garoowe, taasoo ay ku sheegtay inay tahay tallaabo lagu badbaadin karo dowladnimada dalka iyo ammaanka xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka. Wasiirka Warfaafinta Puntland, Ceydiid Dirir, oo warbaahinta kula hadlay Garoowe, ayaa sheegay in magaalada Muqdisho aysan […]

- Advertisement -

Dowladda Gobolleedka Puntland ayaa si rasmi ah u soo jeedisay in caasimadda Federaalka Soomaaliya laga raro magaalada Muqdisho, loogana raro magaalada Garoowe, taasoo ay ku sheegtay inay tahay tallaabo lagu badbaadin karo dowladnimada dalka iyo ammaanka xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Ceydiid Dirir, oo warbaahinta kula hadlay Garoowe, ayaa sheegay in magaalada Muqdisho aysan mar dambe ahayn meel ammaan u ah xildhibaannada, isagoo tilmaamay in qaar ka mid ah xildhibaannadu ay ku xayiran yihiin hoteello uu ku sifeeyay “magafe”, taasoo caqabad ku ah shaqadooda sharci dejinta.

- Advertisement -

“Waxaa muhiim ah in la helo meel xildhibaannadu si xor ah oo nabad ah uga gutaan waajibaadkooda. Muqdisho ammaan uma aha shacabka Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiinta dowladeed ee halganka ugu jira dhismaha hay’adaha Qaranka,” ayuu yiri Wasiir Dirir.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa fariin gaar ah u diray dowlad-goboleedyada kale ee Hirshabelle, Galmudug, Koonfur Galbeed, iyo Jubbaland, isaga oo ugu baaqay inay ku soo biiraan dadaalka Puntland si loo qabto shirweyne lagu qabanayo Garoowe, kaasoo looga tashanayo mustaqbalka dowladnimada Soomaaliya iyo suurtagalnimada beddelka caasimadda dalka.

Baaqan Puntland wuxuu imaanayaa xilli uu dalka ku jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada, iyadoo weli la isku mari la’yahay arrimo ay ka mid yihiin awood qeybsiga, amniga, iyo halka ay ku habboon tahay inay caasimaddu noqoto.

- Advertisement -

Doodda ku saabsan caasimadda dalka ayaa ah mid horey u soo jiitameysay, balse hadalka kasoo yeeray Puntland wuxuu markan u muuqdaa mid si toos ah u shaki gelinaya sii joogitaanka Muqdisho ee xarunta dowladda, taasoo laga yaabo inay keento falcelin xooggan oo dhinacyo badan leh.

Latest stories