HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh: “Khilaafka Xoog iyo Xabad laguma xalinayo, Wadahadal ayaan ku...

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Khilaafka Xoog iyo Xabad laguma xalinayo, Wadahadal ayaan ku dhammeynaynaa”

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbadda uu ka jeediyay furitaanka Kalfadhiga 7-aad ee Golaha Shacabka ku adkeystay in dowladda Federaalka aysan khilaafaadka siyaasadeed ku xallin doonin xoog iyo xabad, balse ay doorbideyso wadahadal iyo is afgarad. Madaxweynaha ayaa si gaar ah u xusay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamul-goboleedyada […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbadda uu ka jeediyay furitaanka Kalfadhiga 7-aad ee Golaha Shacabka ku adkeystay in dowladda Federaalka aysan khilaafaadka siyaasadeed ku xallin doonin xoog iyo xabad, balse ay doorbideyso wadahadal iyo is afgarad.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah u xusay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, isagoo sheegay in dadaal ballaaran lagu bixinayo sidii xal loogu heli lahaa tabashooyinka jira.

“Waxaan dadaal ugu jirnaa walaalaha ka gows qabsaday Golaha Wadatashiga Qaran (Puntland iyo Jubbaland), sidii aan u raadin laheyn. Maqaamka iyo mas’uuliyadda lagu kabay odaynimo ayaa na faraya inaan qof kasta wax tabanaya aan raadino waana ku sii soconeynaa,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

- Advertisement -

Wuxuu intaas ku daray in dowladda ay si cad u diidan tahay in lagu xalliyo khilaafaadka hab dagaal ama cabsi gelin ah, isagoo xusay:

“Waxaan dooranay in khilaafka aan ku xalino wadahadal iyo is afgarad.”

Inta kale ee khudbaddiisa, Madaxweynaha ayaa si qoto dheer uga hadlay arrimaha amniga iyo miisaaniyadda dowladda. Wuxuu sheegay in miisaaniyadda sanadka intiisa badan lagu bixiyay dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan howlgallada xoreynta dalka.

“Argagixisada waxay u aheyd caasimadda masrax ay ku ha laan riwaayad diimeed been ah oo ku saleysan qaraxyo iyo dhiig ay waddooyinka ku daadiyaan,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu hoosta ka xarriiqay in xaaladda amniga caasimadda Muqdisho ay si weyn u hagaagtay marka loo eego sanadihii hore, isagoo tilmaamay in hay’adaha amniga ay gaareen guulo la taaban karo.

“Amniga caasimadda ayaa wax weyn iska bedelay, siduu ahaa sanadihii hore. Hey’addaha amniga waxay sugeen amniga, Argagixisadana madaxdooda meelo fog fog ayaa lagu beegsanayaa,” ayuu yiri Madaxweynaha.

- Advertisement -

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in xoojinta amniga iyo la dagaallanka argagixisada ay weli yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee dowladdu ku howlan tahay, iyadoo sidoo kale dadaal loogu jiro dib u heshiisiinta siyaasadeed ee gudaha dalka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts