HomeWarar"Gaza: Isbitaallada oo Buuxsamay kadib Duqeymo Cusub"

“Gaza: Isbitaallada oo Buuxsamay kadib Duqeymo Cusub”

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

 Dhaqaatiirta ka howlgalaya isbitaallada magaalada Qasa, gaar ahaan kuwa ku yaalla meelaha uu duqeynta ka socoto, ayaa sheegay in xaaladdu tahay mid aad u adag, iyagoo la tacaalaya dhaawacyo baaxad leh oo ka dhashay duqeymaha sii kordhaya ee Israa’iil. Dhakhaatiirta ayaa sheegay inay qalliimo adag ku sameeyaan bukaanno aan helin wax daawooyin suuxdin ah, taas […]

- Advertisement -
- Advertisement -

 Dhaqaatiirta ka howlgalaya isbitaallada magaalada Qasa, gaar ahaan kuwa ku yaalla meelaha uu duqeynta ka socoto, ayaa sheegay in xaaladdu tahay mid aad u adag, iyagoo la tacaalaya dhaawacyo baaxad leh oo ka dhashay duqeymaha sii kordhaya ee Israa’iil.

Dhakhaatiirta ayaa sheegay inay qalliimo adag ku sameeyaan bukaanno aan helin wax daawooyin suuxdin ah, taas oo khatar gelinaysa nolosha bukaanka iyo caafimaadka guud ee bulshada. Mid ka mid ah dhakhaatiirtaasi, oo u dhashay Australia islamarkaana si mutadawacnimo ah uga shaqeynayay isbitaalka al-Shifa, ayaa sheegay  in ay maalin walba la kulmaan xaalado naxdin leh oo ay dad badan ku dhintaan.

- Advertisement -

Dhakhtar kale ayaa ka sheekeeyay dhacdo murugo leh oo ku saabsan cunug laga badbaadiyay caloosha haweeney uur leh oo madaxeeda laga jaray duqeyn darteed.

Dhanka kale, ciidamada Israa’iil ayaa si xowli ah ugu sii siqaya bartamaha magaalada Qasa, iyagoo 500 mitir u jira isbitaalka al-Shifa, unajeedadooduna tahay in ay si buuxda ula wareegaan magaalada. Milatariga Israa’iil ayaa magaalada Qasa ku tilmaamay “goob ay Xamas ku xooggan tahay”, taas oo la micno ah in duullaanka la sii ballaarinayo.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in taangiyada Israa’iil ay magaalada u galayaan jihooyin kala duwan, oo ay ka mid yihiin koonfurta iyo waqooyi-galbeed, taasoo sare u sii qaaday cabsi laga qabo in shacabka rayidka ah ay wajahaan xaalad bini’aadantinimo oo aad u daran.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts