HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Gaar ah la yeeshay Masuuliyiin Maraykan ah

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Gaar ah la yeeshay Masuuliyiin Maraykan ah

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah kula yeeshay magaalada New York qaar ka mid ah masuuliyiinta sare ee Dowladda Mareykanka. Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxa Arrimaha Siyaasadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, Marwo Allison Hooker, La-Taliyaha Arrimaha Afrika ee Madaxweyne hore Donald Trump, Mudane Massad Boulos, iyo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah kula yeeshay magaalada New York qaar ka mid ah masuuliyiinta sare ee Dowladda Mareykanka.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxa Arrimaha Siyaasadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, Marwo Allison Hooker, La-Taliyaha Arrimaha Afrika ee Madaxweyne hore Donald Trump, Mudane Massad Boulos, iyo Ku-Xigeenka Kaaliyaha Arrimaha Afrika, Mudane Vincent Spera.

- Advertisement -

Intii uu socday kulanka, labada dhinac ayaa si qoto dheer uga wadahadlay xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhanka iskaashiga amniga, la-dagaallanka argagixisada, iyo horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa carabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in la sii xoojiyo xiriirka istiraatiijiga ah ee kala dhexeeya Mareykanka. Waxa uu tilmaamay in iskaashigan uu yahay tiir muhiim u ah horumarka, nabadda, iyo xasilloonida gobolka.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dooneyso in ay ku xoojiso saaxiibtinimada iyo iskaashiga caalamiga ah, iyadoo diiradda la saarayo danaha guud ee shacabka Soomaaliyeed iyo xasilinta gobolka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts