Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qaybgalay kulan lagu dhiirigelinayay doorka muhiimka ah ee haweenka Puntland ay ka qaateen dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish. Madaxweynaha ayaa madashaasi uga faa’iideystay fursad uu ku faahfaahiyo halka uu marayo hawlgalka Hillaac ee lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada ah ee Daacish iyo Al-Shabaab.
Madaxweyne Deni ayaa bulshada Puntland ugu baaqay feejignaan dheeraad ah muddada uu socdo hawlgalkan, isagoo ku booriyay inay yeeshaan “laba indhood” — mid lagu la socdo dhaq-dhaqaaqa kooxaha argagixisada ah, iyo mid kale oo lagu dareemayo cid kasta oo dano guracan ka leh xasiloonida Puntland.
“Hawlgalkaas inta aan ku jirno waxaa la rabaa inaan laba indhood yeelano — isha cadawga argagixisada iyo isha dadka raba inay Puntland dibin-daabyeeyaan,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu xusay in inkastoo ay jiraan dad doonaya inay qalalaase ka abuuraan Puntland, haddana aysan waxba yeeli karin maadaama ay jirto bulsho wanaagsan oo taabta leh.
“Dad xun waxba ma yeeli karaan Puntland, hadday wax kasta sameeyaan, waayo dad wanaagsan ayaa ku nool,” ayuu ku daray Madaxweynaha.
Hawlgalka Hillaac ayaa noqday dadaal ballaaran oo Puntland ku doonayso in lagu suuliyo kooxaha nabad-diidka ah ee halista ku haya nabadda iyo horumarka deegaanka.
