HomeWarar"Maraykanka oo Ka Soo Horjeestay Qodobadii Shirka Wadatashiga Qaran"

“Maraykanka oo Ka Soo Horjeestay Qodobadii Shirka Wadatashiga Qaran”

Date:

Related stories

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka u qaabilsan arrimaha Afrika ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee ka taagan Soomaaliya, isagoo si gaar ah fariin digniin ah ugu diray madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada. Digniintan ayaa timid kadib markii la soo saaray war-murtiyeedkii ka soo baxay Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka u qaabilsan arrimaha Afrika ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee ka taagan Soomaaliya, isagoo si gaar ah fariin digniin ah ugu diray madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada.

Digniintan ayaa timid kadib markii la soo saaray war-murtiyeedkii ka soo baxay Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee dhowaan lagu qabtay Muqdisho, shirkaas oo aan lagu casumin madaxda Jubaland iyo Puntland – arrin dhalisay su’aalo badan oo ku saabsan hufnaanta iyo dhammaystirka geeddi-socodka siyaasadeed ee socda.

- Advertisement -

War kooban oo lagu baahiyay barta X (horey Twitter), Kaaliyaha ayaa sheegay in Mareykanka uu si dhow ula socdo xaaladda Soomaaliya, isla markaana uu walaac xoogan ka qabo dadaallada lagu wado in lagu isu geeyo awoodda siyaasadeed iyo isbeddellada lagu sameynayo nidaamka Federaalka iyo habraacyada doorashooyinka dalka.

“Dhammaan daneeyayaasha siyaasadeed waa in ay ka qeyb galaan go’aamada muhiimka ah ee la xiriira isbeddelka nidaamka Federaalka iyo doorashooyinka. Go’aammo laga gaaro arrimahaas iyadoo aan laga helin taageero ballaaran waxay noqonayaan kuwo aan sharciyad buuxda laheyn, waxayna carqaladeyn karaan dadaallada amni iyo siyaasadeed ee socda,” ayuu yiri mas’uulka Maraykanka ah.

Hadalkaasi wuxuu ku soo beegmayaa xilli dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay wado qorshayaal lagu beddelayo qaab-dhismeedka dowladda Federaalka iyo habka loo marayo doorashooyinka mustaqbalka dhow. Qorshayaashaas ayaa waxaa si cad uga hor yimid Jubaland iyo Puntland oo diiday ka qeybgalka shirka, iyagoo sheegay in aan lagu darin wada-tashiyo dhab ah.

Mucaaradka iyo ururrada bulshada rayidka ah ayaa sidoo kale muujiyay walaac, iyagoo ku tilmaamay habka wax loo wado mid halis gelin kara xasilloonida dalka haddii aan lagu saleyn wada-tashi qaran oo dhab ah.

- Advertisement -

Beesha caalamka, oo horey ugu baaqday in la helo is-afgarad guud oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka, dib-u-habeynta Federaalka iyo dagaalka Al-Shabaab, ayaa hadalka Maraykanka ka dhigaya fariinta ugu cadcad ee la gaarsiiyo madaxda Soomaaliyeed tan iyo billowgii marxaladda cusub ee isbeddelka siyaasadeed.

Digniintan waxay sare u qaadayaa cadaadiska saaran madaxda Soomaaliya si ay u dhisaan hannaan loo dhan yahay, oo la tixgeliyo rabitaanka shacabka, sharciga, iyo wadajirka dowlad-goboleedyada – si loo gaadho mustaqbal siyaasadeed oo xasiloon.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts