HomeWararRoobkii Xalay Ka Da’ay Muqdisho oo Sababay Khasaaro Naf iyo Hanti ah

Roobkii Xalay Ka Da’ay Muqdisho oo Sababay Khasaaro Naf iyo Hanti ah

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Roob mahiigaan ah oo si xooggan uga da’ay magaalada Muqdisho habeenkii xalay ayaa sababay daadad xooggan oo geystay khasaare naf iyo maal leh, iyadoo xaalad adag ay ku wajahday qoysas badan iyo barakacayaal ku nool caasimadda. Roobka oo socday saacado xiriir ah ayaa si gaar ah u saameeyay xaafadaha ku yaalla meelaha dhulka hoose ah, […]

- Advertisement -

Roob mahiigaan ah oo si xooggan uga da’ay magaalada Muqdisho habeenkii xalay ayaa sababay daadad xooggan oo geystay khasaare naf iyo maal leh, iyadoo xaalad adag ay ku wajahday qoysas badan iyo barakacayaal ku nool caasimadda.

Roobka oo socday saacado xiriir ah ayaa si gaar ah u saameeyay xaafadaha ku yaalla meelaha dhulka hoose ah, halkaas oo guryo badan ay ku dumeen daadadka, halka qaar kalena ay biyo galeen. Dad badan ayaa xalay oo dhan biyo dhaamin ku jiray si ay u badbaadiyaan hantidooda iyo naftooda.

- Advertisement -

Sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta gobolka Banaadir, ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay kadib markii daad xooggan uu galay gurigooda oo ku yaalla xaafadda Iskuul Buluusiya ee degmada Xamar Jajab. Dadkaasi ayaa la sheegay inay ahaayeen qoyskii ugu horreeyay ee laga helo dhimasho la xiriirta roobka xalay.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Yabooh, ayaa sheegay in roobka uu dumiyay guryo badan iyo waliba xarumo ganacsi oo muhiim ah, isla markaana ay jiraan xaafado dhan oo ay biyuhu ku fataheen.

Barakacayaashu ayaa ah kuwa ugu daran ee roobku saameeyay, iyadoo la sheegay in xeryo badan oo ay deganaayeen ay daadadku burburiyeen, taasoo uga sii dartay xaaladdooda nololeed ee horey u liidatay.

- Advertisement -

Wadooyin muhiim ah oo ay ka mid yihiin Isgoyska Soobe, Isgoyska Banaadir, iyo laamiyo kale oo muhiim u ah isku socodka magaalada, ayaa burbur iyo biyo fariisin ku yimid. Shacabka ayaa si weyn uga cabanaya in aysan mari karin wadooyinkaasi, taasoo carqalad ku keentay nolosha maalinlaha ah.

Sidoo kale, garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa laga soo sheegay in saameyn xooggan ay ku yeesheen biyaha roobka, iyadoo shaqadii garoonka ay hakad gashay saacado badan

Latest stories