HomeWarar"Falcelinta Shacabka Kadib Weerarradii Pakistan iyo Hindiya"

“Falcelinta Shacabka Kadib Weerarradii Pakistan iyo Hindiya”

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Maxamed Wahiid, oo deggen magaalada Muzaffarabad ee Kashmir-ta ay Pakistan maamusho, ayaa hurdada laga toosiyay kadib markii qaraxyo xoog leh ay gilgileen xaafaddiisa subaxnimadii Arbacada. “Ka hor intii aanan fahmin waxa dhacay, gantaallo kale ayaa dhacay, dadkuna waxay u kala carareen si ay naftooda u badbaadiyaan,” ayuu u sheegay warbaahinta, isagoo sheegay in qoyskiisa iyo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maxamed Wahiid, oo deggen magaalada Muzaffarabad ee Kashmir-ta ay Pakistan maamusho, ayaa hurdada laga toosiyay kadib markii qaraxyo xoog leh ay gilgileen xaafaddiisa subaxnimadii Arbacada. “Ka hor intii aanan fahmin waxa dhacay, gantaallo kale ayaa dhacay, dadkuna waxay u kala carareen si ay naftooda u badbaadiyaan,” ayuu u sheegay warbaahinta, isagoo sheegay in qoyskiisa iyo deriskiisu ay dibadda uga soo baxeen argagax darteed.

Ciidamada Hindiya ayaa sheegay in weerarrada ay jawaab u ahaayeen mid ay kooxo hubeysan ka fuliyeen Kashmir-ta ay maamusho Hindiya, halkaas oo 26 qof lagu dilay. Waxay eedeyn dusha uga tuureen kooxo fadhigoodu yahay Pakistan, taas oo Islamabad si rasmi ah u beenisay.

- Advertisement -

sido kale dad ku sugan labada dhinac ee xadka  ayaa sheegay in guryaha, masaajidda iyo goobaha rayidka ay ka mid ahaayeen meelihii la duqeeyay.

Pakistan ayaa sheegtay in siddeed qof ay ku dhinteen, halka Hindiya ay sheegtay in toddobo kale lagu dilay dhankeeda.

Ruby Kaur, oo ka mid ahayd dadka deegaanka Hindiya ee la dilay, ayaa ku dhimatay kadib markii hoobiye ku dhacay gurigeeda. Ehelkeeda ayaa sheegay in weerarku dhacay xilli ay isku dayaysay in ay ninkeeda xanuunsan daryeesho.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Cabdiwahaab Muuse Geeddi oo ku sugan gobolka Punjab ee Pakistan ayaa warbaahinta u sheegay in xaaladdu tahay mid aad u kacsan, islamarkaana goobihii waxbarashada iyo xafiisyadii dawladda la fasaxay, iyadoo la geliyay gobolka xaalad degdeg ah.

Dadka deegaanka ayaa muujiyay dareen cadho leh, iyagoo dowladda Pakistan ugu baaqay in ay ka jawaabto weerarradaas. Xukuumadda Hindiya ayaa sheegtay in bartilmaameedyadu ahaayeen xarumo argagixiso, balse dadka deegaanka ayaa sheegay in duqeymuhu ay si gaar ah u saameeyeen rayidka iyo goobaha cibaadada.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts