HomeWararCabdicasiis Laftagareen oo kusoo biiray shirkii Wadatashiga Qaran

Cabdicasiis Laftagareen oo kusoo biiray shirkii Wadatashiga Qaran

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, si uu uga qeyb galo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu wado in maalmaha soo socda si rasmi ah uga furmo caasimadda. Imaanshaha Laftagareen ayaa imaaneysa iyadoo ay Muqdisho horey ugu sugnaayeen madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo Galmudug, taasoo sare u […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, si uu uga qeyb galo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu wado in maalmaha soo socda si rasmi ah uga furmo caasimadda.

Imaanshaha Laftagareen ayaa imaaneysa iyadoo ay Muqdisho horey ugu sugnaayeen madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo Galmudug, taasoo sare u qaadday filashada ah in shirka si rasmi ah u qabsoomo.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde, waxaana wehlinayay xubno sare oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo wafdi ballaaran.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimo door ah oo muhiim u ah mustaqbalka dalka, sida:

  • Habsami u socodka hanaanka doorashooyinka

    - Advertisement -
  • Dhammeystirka dastuurka

  • Qorshaha amniga qaranka iyo la dagaallanka alshabaab

  • Xoojinta xiriirka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada

Waxaa sidoo kale la filayaa in shirkan uu qeyb ka noqdo Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Firdhiye, oo haatan ku sugan Muqdisho, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin ka qeybgalka rasmiga ah ee wafdigiisa.

Dhanka kale, weli waxaa magaalada ka maqan madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland, kuwaasoo aan ilaa hadda caddeyn in ay shirka kasoo qeyb geli doonaan.

Latest stories