HomeTop NewsXog Horudhac Ah Oo Muujinaysa In Gaas Dabiici Ah Oo Ganacsi Laga...

Xog Horudhac Ah Oo Muujinaysa In Gaas Dabiici Ah Oo Ganacsi Laga Helay Badda Soomaaliya

Date:

Related stories

Daniel and the Two Mothers: The Truth Behind the Story

Daniel and the two mothers: what is true, what is unconfirmed?

Italy Expands Police Training Support for Somalia

Talyaaniga ayaa Muqdisho ku shaaciyay qorshe lagu xoojinayo iskaashiga amni ee Soomaaliya, iyadoo diiradda la saarayo tababarka booliiska, dhismaha hay’adaha amniga iyo ka hortagga xagjirnimada.

Türkiye pledges continued security and economic support for Somalia

Danjiraha Turkiga Alper Aktaş oo ka hadlaya Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha ee Muqdisho

Somalia Sets September 30 for Galmudug, Hirshabelle Elections

The elections hold broader significance for Somalia's political stability. Federal member state elections are crucial for establishing legitimate regional administrations that can partner with the federal government on security, development, and constitutional reform. Any delays or disputes could undermine progress toward the national elections scheduled for 2027. Both elections will proceed simultaneously on September 30, with results expected shortly thereafter.

SNA brobes video of soldiers suffocating bound Al-Shabaab suspect

Somalia's military opened a preliminary investigation on Tuesday after...

Muqdisho, Soomaaliya – Soomaaliya oo markii ugu horreysay si rasmi ah u sahmaysa kheyraadkeeda shidaal iyo gaas ayaa gaartay guul horudhac ah oo lagu tilmaami karo mid taariikhi ah. Ilo xog ogaal ah oo laga helay gudaha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa sheegay in laba kamid ah saddex ceel oo la sahmiyey laga helay gaas dabiici […]

- Advertisement -

Muqdisho, Soomaaliya – Soomaaliya oo markii ugu horreysay si rasmi ah u sahmaysa kheyraadkeeda shidaal iyo gaas ayaa gaartay guul horudhac ah oo lagu tilmaami karo mid taariikhi ah. Ilo xog ogaal ah oo laga helay gudaha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa sheegay in laba kamid ah saddex ceel oo la sahmiyey laga helay gaas dabiici ah oo ganacsi ahaan loo faa’iideysan karo.

Mashruuca sahminta oo uu hogaaminayo shirkadda Turkish Petroleum Corporation (TPAO), ayaa qeyb ka ah heshiis taariikhi ah oo Soomaaliya iyo Turkiga ay ku gaareen magaalada Istanbul 7-dii Maarso 2024, kaasoo si gaar ah diiradda u saaray sahminta iyo soo saarista shidaalka badda Soomaaliya.

- Advertisement -

Warbixinaha hordhaca ah ee aan helnay waxay muujinayaan in laba kamid ah ceelasha la baaray la soo gabagabeeyey, halka ceelkii saddexaad wali baaritaanku ka socdo. Injineerada mashruuca ayaa saadaaliyay in mid kasta oo kamid ah ceelasha laga yaabo in laga helo ilaa 10 bilyan oo fuusto oo gaas ah, taasoo ah tiro ganacsi ahaan faa’iido weyn leh.

“Daraasadda aan hayno 90% waxay muujinaysaa jiritaanka gaas suuq ahaan loo iibin karo,” ayuu yiri ilo farsamo oo ku dhow mashruuca.

Baaritaannada ceelasha waxaa la qorsheynayaa in la soo afjaro bisha Agoosto 2025, iyadoo lagu wado in tijaabooyinka shidaalka iyo gaaska loo diro sheybaarrada ku yaalla dalka Turkiga, si loo xaqiijiyo nooca iyo tayada kheyraadka la helay.

Haddii baaritaanku si buuxda u caddeeyo xogta hadda la hayo, Soomaaliya waxay u gudbi doontaa wejiga qoditaanka ceelasha si rasmi ah ugu billowda dhamaadka sanadka 2025.

- Advertisement -

Heshiiskan muhiimka ah ee shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa qalinka ku duugay Wasiirkii hore ee Shidaalka Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed, iyo Wasiirka Tamarta Turkiga, Alparslan Bayraktar. Waxaa lagu heshiiyay in baaritaanku khuseeyo saddex kamid ah 216 qaybood oo la rumeysan yahay inay shidaal ku jiraan xeebaha Soomaaliya.

Heshiiska ayaa ku dhisan is-faham iyo faa’iido wadaag, iyadoo Turkigu bixinayo maalgelinta, farsamada, iyo taageerada diblomaasiyadeed.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa heshiiska ku sifeeyay “furitaanka bog cusub oo taariikhi ah.”

“Tani waa markii ugu horreysay ee Soomaaliya si rasmi ah u sahmiso kheyraadkeeda. Cidda ugu horreysa ee gasha ayaa helaysa faa’iidada ugu badan. Turkigu waa saaxiibkeen, waxaana dunida tusineynaa in Soomaaliya ay gashay marxalad cusub.”

Haddii sahminta la xaqiijiyo, waxay noqon doontaa isbeddel dhaqaale iyo istaraatiiji ah oo weyn, iyadoo Soomaaliya ay heli doonto dakhli malaayiin dollar ah, abuurista shaqooyin, dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo kor u qaadidda saameynta diblomaasiyadeed ee gobolka.

Turkiga oo durba saldhigyo milatari iyo xiriir siyaasadeed la leh Soomaaliya, ayaa sii xoojinaya saameyntiisa Gobolka Geeska Afrika.

Haddii xogta la xaqiijiyo, Soomaaliya waxay si rasmi ah u bilaabi doontaa wejiga qodista iyo soo saarista shidaalka, waxaana dowladdu sidoo kale diyaarin doontaa sharciyo iyo heshiisyo cusub oo ku saabsan qaybinta faa’iidada shidaalka.

Latest stories