HomeBilan Media SomaliHaweenka Somaliland ee ku jira siyaasadda iyo dagaalka ay ugu jiraan is...

Haweenka Somaliland ee ku jira siyaasadda iyo dagaalka ay ugu jiraan is bedel siyaasadeed

Date:

Related stories

Women in Somalia’s Police Force: Expanding Roles in Security and Recovery.

“Communities often show encouragement and support when they see women serving in the police. This has motivated many young women to consider joining the force.”

Somalia’s State Minister Responds to Trump’s Harsh Remarks in Diplomatic Rebuttal

“For some people, it has become very easy to use Somalia as an excuse or to hide their own failures. This narrative is not only false, but it is also an insult to our resilience and our sacrifice. We must show unity, protect our dignity, and prove to the world that we are not something to be used or manipulated at someone’s convenience.”

The Unmuted Mic: How a Newsroom of Women is Rewriting Somalia’s Story

Take the global 16 Days of Activism against Gender-Based Violence. Much of the world covers it through numbers and headlines. At Bilan, we go further. We ask: What does justice look like for a woman whose nearest court is days away? How does a “women empowerment” program fail when she cannot even travel safely to the market? Who are the unsung community leaders—women and men—quietly mediating disputes to prevent violence before it starts? These layers only emerge when the journalist understands the culture, the sensitivities, and the stakes.

OGAAL waa urur siyaasadeedka kaliya ee ay hawenay hogaamiye ka tahay islamarkaana La tartamaya afar iyo toban urur siyasadeed oo  kale oo Somaliland ka diiwan gashan, Kuwaas oo Dhamaantood ay rag hogaaminayaan. Rooda Cabdi Muuse  oo ah gudomiyaha uruur siyaasadeedka ogaal   Waxay ka mid Ahayd haween kooban oo siyaasada Somaliland ka dhex muuqday 10-kii sano […]

- Advertisement -
- Advertisement -

OGAAL waa urur siyaasadeedka kaliya ee ay hawenay hogaamiye ka tahay islamarkaana La tartamaya afar iyo toban urur siyasadeed oo  kale oo Somaliland ka diiwan gashan, Kuwaas oo Dhamaantood ay rag hogaaminayaan.

Rooda Cabdi Muuse  oo ah gudomiyaha uruur siyaasadeedka ogaal   Waxay ka mid Ahayd haween kooban oo siyaasada Somaliland ka dhex muuqday 10-kii sano ee ugu dambeeyey.

- Advertisement -

Hawenaydan ayaa sidoo kale kamid ahayd  xildhibaanadii Sanadkii 2012  ku tartamay dorashoyiinkii golaha deegaanka ee ka qabsoomay guud ahaan ba deegaanada Somaliland xiligaas oo ay ka mid noqotay haweenkii ku hungobey hankoodii siyaasadeed, doorashadaas ayaa ahayd doorasho qof iyo cod ah.

‘’Aniga caqabada ugu badan ee ihaysata waa garab la’aan, 14-nin oo ila tartamaya mid walba oo kamid ah rerkiisa wuxu ogyahay in uu guulaysanayo wayna garab taagan yihiin balse aniga ima aqoonsana, anigu waan isku filanahay waana soconaya ila inta awoodeyda ah waaxana rajeynaya inaan guulaysan doono hadii durufaha dhaqanka iyo dhaqalaha ee igu gadaman aysan iga reebin hankayga siyaasaded’’

Hawenaydan oo hayaankeeda waxbarasho ku soo qadatay wadamada yurub  ayaa  soo qabatey xilaal kala duwan oo la xiriira arimaha bulshada sida caafimaadka, iyo u ololeynta ka qeybgalka haweenka ee siyaasadda Somaliland.

- Advertisement -

‘’anigu waxaan xiligan iskusoo taagay sidii aan tusaale ugu noqon lahaa in gabar kasta ay xaq uleedahay inay hesho saamigeeda, haweenka Somaliland waa dadka ugu badan ee cod ka bixiya iyaga isa soo saari kara balse waxba isuma ogola taas na waxa sabaab u ah in aysan helin wacyi-gelino iyo tababaro kor uqaadaya hankooda ku aadan siyaasadda anigu waxaan raba haddii ay ii codeyaan iyo haddii aysan ii codeynin ba inaan u noqdo astaan dumarka Somaliland oo dhan.

Waxa ay sheegtay in ka maqnaanshaha haweenka ee hogaanka siyasadda Somaliland iyo xilalka mihiim ka ah ay tahay baahida ugu badan ee ku kaliftay in ay usoo istaagto mar kale Rooda loolanka loogu jiro hoggaanka siyaasadda Somaliland.

Waxay sidoo kale sheegtay in haweenka oo  qiyaas ahaan lixdan boqolkiiba ka ah tirada cod bixiyayaasha dorashoyiinka Somaliland ka qabsooma aysan fahansaneyn muhiimada haweenka ay u leyihiin ka mid noqoshada siyaasada dalka  taas oo sabaabta in inta badan aysan ku guuleysan haweenku ka soo muuqashada masraxyadda doorashoyiinka Somaliland.

Rooda ayaa Bilan Media usheegtay in caqabada ugu badan ee hor istaagi karta geedi socodkeeda siyaasadeed ay tahay  durufaha dhaqanka iyo dhaqaalaha kuwaas oo sidoo kale laf dhabar u ah rumeynta riyadeeda siyaasadeed.

Doorashadii u dambaysay ee Somaliland  ka qabsoontey waxa ku tartamay 553 murashax oo afar iyo toban ka mid ahi dumar ahaayeen kuwaas oo dhamantood ba ku haray wareegayadi kala duwanaa ee doorashada.

Halka Labaatankii sannadood ee u dambeeyay dorashooyinka golaha deegaanka, gurtida iyo wakiilada Somaliland, ay ku  soo baxday hal qof oo haween ah.

Haweenka oo inta badan ka maqan saamiga iyo xilalka ugu sareeya Somaliland ayaa sanadkan marki ugu horeysay isku soo sharaxey xilka madaxweynaha Somaliland taas oo ka dhigan isbedel hor leh.

Naciima Saed Salah, wariye, Bilan Media

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts