HomeBilan Media SomaliWiil 6-sanno jir ah oo la nool Cudurka Autismka (Akhriso Warbixin)

Wiil 6-sanno jir ah oo la nool Cudurka Autismka (Akhriso Warbixin)

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Ahmed Abdirahmaan Maxamed waa 6 sano jir la nool cudurka autismka, sida uu sheegay abbihiisna markii uu hal sano jiray ayaa lagu arkay calaamado aan wanaagsaneyn oo la xirira koritaanka maskaxdiisa. Shan sanno oo uu la nool yahay xanuun kan waxaa lagu arkayaa isbadalo la xiriira caafimaad kiisa kuwaas loo cudurkan xanuunkan. “Isaga oo sagaal […]

- Advertisement -

Ahmed Abdirahmaan Maxamed waa 6 sano jir la nool cudurka autismka, sida uu sheegay abbihiisna markii uu hal sano jiray ayaa lagu arkay calaamado aan wanaagsaneyn oo la xirira koritaanka maskaxdiisa. Shan sanno oo uu la nool yahay xanuun kan waxaa lagu arkayaa isbadalo la xiriira caafimaad kiisa kuwaas loo cudurkan xanuunkan.

“Isaga oo sagaal bilood jira ayaan ku arkay calaamado muujinaya in maskax ahaan koritaanka wiilkeygu uusan wanaagsaneyn,waayo aniga caafimaadka iyo arriamaha carruurta waxbaan ka garanaya”ayuu yiri Cabdirahmaan Maxamed oo ah abbaha Axmed.

- Advertisement -

Marka aan ka hadalno bulshada soomaaliyeed waa naadir in la helo waalid fahmsan xaaladdan ama ku dhiirrada in uu dhaqaatiirta la wadaago calaamadahan hase yeeshee Cabdirahmaan tallaabo ka duwan middi hore ayuu qaaday.

“Runtii markaan arkay inuusan wiilkeyu sammeyneyn horumar ama koritaan maskaxeed oo wanaagsan ayaan u sheeagy xaaskeyga oo aan iyadu arrimahaas waxba ka fahmsaneyn hase yeeshee igu raacday talooyinkii aan usoo jeediyay ayuu noo sheegay Cabdiraxmaan”

- Advertisement -

“Markiiba go`aan ayaan gaaray si aan ula tacaalo xaaladdisa inta uusan gaarin meel halis,waxaana helay schoolkan oo wax lagu baro carruurta xanuunkan qaba” ayuu ku raaciyay Cabdiraxmaan.

Isbadello muuqda ayuu sammeyay Axmed muddada uu iskuulkan dhiganayay maalmo yar kadibna heerkii ugu danbeeyay ee fasalka ayuu ka gudbaya isaga oo u diyaarsan in uu wax la barto carruur caafimaad ahaan isaga marki hore ka wanaagsaneyd.

“Laba sano ayuu dhiganaya iskuulkan mardhowna wuu qalin jabinaya iskuul caadi ahna waan geyneynaya maadama uu hadda wanaagsan-yahay badankoodna ay ka hareen calaamadihii xummaa ee xanuunka,garashadisa, hurdadisa iyo hadalkiisuba ay wanaagsan-yihiin” Ayuu yiri mar kale Cabdiraxmaan Maxamed.

Raxmo Cabdiqadir Maxamed waa maamulaha iskuulka Mustaqbal oo ah iskuul lagu xannaaneeyo waxna lagu baro carruurta qaba baahiyaha gaarka ah, sannadkii 2016kii ayaa La asaasay sababta loo aasaasayna waxa ay noogu sheegtay in dalka uusan ka jirin xarun lagu daryeelo waxna lagu baro carruurta maskax ahaan xanuunsan.

“Iskuulkaan waxaan sammeynay 2016kii markaas oo aan aragnay in ay dalka ka jirto duruuf gaara ah oo ay qabaan carruurta autsimka qabta oo aan daryeel iyo wax-barashaba helin” sidaas ayeey tiri Raxmo Cabdiqaadir.

“Dhammaanteen waxaan soo barannay cilmi-nafsiga sida loola tacaalo carruurtaan ayaan waqti dheer so baraneynay, dhammaan dadka howshan qabanayana waa dumar waayo carruurta qaar ma hadli karaan sidaas darted waxaan ka ilaalineyna ineysan wax tacaddi ah la kulmin”ayeey raacisay Raxmo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories