HomeBilan Media SomaliDerbi-jiif laga fogaaday: Odey 75-sanno jir ah oo la nool HIV (Akhriso...

Derbi-jiif laga fogaaday: Odey 75-sanno jir ah oo la nool HIV (Akhriso Warbixin)

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Khalif Farah Shuuriye  waa 75-jir la nool cudurka (HIV-AIDS) kaas oo  ay qaadsiisay xaaskiisa Oo maskaxda ka xanuunsaneyd oo iyaduna ka qaadday  sida uu sheegay rag qoryo ku Hubeysnaa oo kufsi kula kacay sanadkii 2012kii.

Xanuunka oo isna laga helay inta aysan u geeriyoon xaaskiisa iyo geerida xaaskiisa kadibba Hadda waxa uu wajahayaa xaalad adag oo nolosha iyo caafimaadkaba ah.

- Advertisement -

‘’Xanuunkan waxaan ka qadey xaaskeyga sida la xaqiijiyayna isaga ayeey u geeriyootay, Sida Aad aragtaan ma heysto guri, majirto cid i daryeesha, meeshii hore ee aan ku noolaana Waan ku nolaan waayay takoor dartiis mana heysto waalid, walaal, carruur iyo waalid aan I caawiya.”

Nolosha Khaliif Shuuriye ayaa hadda ku tiirsan lacago  Shilin somali ah oo aan joogto aheyn oo uu ka helo bulshada soomaaliyeed marka uu soo dhex galo isaga oo dawarsanaya Waana midda uu markaas ku dabbaro baahidiisa.

“Marka ay noloshu igu adkaato ee aan gaajo darted joogi waayo Ayaan soo dhex galaa Bulshada oo aan gacanta hoorsadaa, kilo bariis haddi aan helo markaas dhowr habeen Ayaan karsadaa, labo kun oo shilin soomaali ah haddi aan helana subixii Ayaan shaaha ku Cabaa, marka runtii wey adag-tahay nolosheyda” ayuu yiri.

- Advertisement -

“Xaafaddeyda biyaha la isticmaalo waa la gataa mana heysto wax aan ku gato habeennada Qaar, haddi aan waayo wax aan maalintaas ku gato tobanka liitir ee biyaha ah waan iska seexda” ayuu ku daray.

Dhibka ugu weyn ee heysta Khaliif Shuuriye ayuu sheegay inuu yahay takoor iyo Aflagaaddo ay si joogto ah ugu sammeeyaan dadka  isaga garanaya iyo kuwa dariska la ah ee ogaaday in uu yahay bukaan Qaba xanuunka HIV.

“Dadka og xaaladdeyda ee garanaya iyo kuwa dariskeyga ah ee iyaguna ogaaday Xanuunkeyga aad ayeey ii takooraan markaan soo aado bannaanka ee aan bulshada kaalmo Usoo doonto oo waxeyba moodaan in aan markaan usoo dhawaadaba xanuunka Qaadsiinayo, mararka qaar wey I aflagaaddeeyaan aadna wey iigu qeyliyaan,da`da xattaa Iguma ixtiraamaan, aad Ayaan xaqiiqdii u niyad jabsanahay” ayuu yiri khalif.

“Markeygii hore waxaan ahaa nin shaqeysta oo isku filan haddase ma lihi wax awood ah, Daawo xattaa ma heli karo, fadlan bulshadu ha I taageerto” ayuu raaciyay.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories