HomeBilan Media SomaliNolosha dadkii sida qasabka aheyd looga soo masaafuriyay Laascaanood

Nolosha dadkii sida qasabka aheyd looga soo masaafuriyay Laascaanood

Date:

Related stories

Women in Somalia’s Police Force: Expanding Roles in Security and Recovery.

“Communities often show encouragement and support when they see women serving in the police. This has motivated many young women to consider joining the force.”

Somalia’s State Minister Responds to Trump’s Harsh Remarks in Diplomatic Rebuttal

“For some people, it has become very easy to use Somalia as an excuse or to hide their own failures. This narrative is not only false, but it is also an insult to our resilience and our sacrifice. We must show unity, protect our dignity, and prove to the world that we are not something to be used or manipulated at someone’s convenience.”

The Unmuted Mic: How a Newsroom of Women is Rewriting Somalia’s Story

Take the global 16 Days of Activism against Gender-Based Violence. Much of the world covers it through numbers and headlines. At Bilan, we go further. We ask: What does justice look like for a woman whose nearest court is days away? How does a “women empowerment” program fail when she cannot even travel safely to the market? Who are the unsung community leaders—women and men—quietly mediating disputes to prevent violence before it starts? These layers only emerge when the journalist understands the culture, the sensitivities, and the stakes.

Amar ka soo  baxay Maamulka Somaliland ayaa magaalada laascanood ee gobalka sool looga soo masaafuriyay boqollaal qoys oo isugu jirey danyar ,ganacsato waweyn, garab Rarato iyo muruqmaal kuwaas oo aan la siin waqti ku filan oo ay kaga guuran  Maagalada laascanood oo ah halkii ay Muddo dheer ku noolaayeen. Qaar ka mid ah qoysaaskaan hadda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Amar ka soo  baxay Maamulka Somaliland ayaa magaalada laascanood ee gobalka sool looga soo masaafuriyay boqollaal qoys oo isugu jirey danyar ,ganacsato waweyn, garab Rarato iyo muruqmaal kuwaas oo aan la siin waqti ku filan oo ay kaga guuran  Maagalada laascanood oo ah halkii ay Muddo dheer ku noolaayeen.

Qaar ka mid ah qoysaaskaan hadda waa barakac aan helin  gurmad bani`adan-nimmo Iyo caddalad sida ay sheegeen.

- Advertisement -

Luul Maxamuud iyo qoyskeeda oo ka kooban labo iyo toban qof ayaa kamda boqollaal Qoys oo aan si kala sooc laheyn looga soo raray magaalada laas-caanood haddana Barakac ku ah xero yar oo baraka coo ku taalla  duleedka magaalada boosaaso ee Gobalka bari.

“Halkaas toban carruur ah ayaan ku dhalay oo mid kamida yahay naafo, ogeysiisna layma siin, waanu Shaqaynaynay, carruurtii aan dhalayna way ila shaqaynayeen, Odayguna wuu naga Xanuunsaday oo waxey nagu dhaheen isaga taga gurigii aan ku Nooleyn iyo wixi aan Heysannay oo dhan.”ayeey tiri Luul Max`mud.

“Soddonkii sano ee aan halkaas ku nooleyn waxaan kamida ahaa shaqaalaha Nadaafadda waddooyinka waaweyn ee magaalada oo aan nolosha qoyskeyga ku Maareyn jiray, hadda waxba ma heyno noloshana aad ayeey u adag-tahay oo waxaan Barakac ku nahay kaam yar oo ku yaalla duleedka magaalada bosaaso.” Luul ayaa intaas Raacisay hadalkeeda.

- Advertisement -

Maxamed C/Qaadir Ibraahim waxa  uu ka mid yahay qoysaaska barakaca ku ah kaamka Waaberi  oo ku yaalla duuleedka magaalaga boosaaso ee Gobalka bari.

Maxamed ka hor inta uusan halkan imaan waxa uu ahaa shaqaale dhisme sidoo Kalena Waxa uu xilliyada qaar ku shaqeysan jiray mooto bajaaj taas oo uu ka biilan jiray Qoyskiisa oo ka kooban shan qof, safarka dheer oo aysan filaneyn kadibse wax kasta oo Nolosha qoyskiisa iyo isagaba ku saabsan wey is badaleen sida uu sheegay.

“Wax aan sameeyay ma aqaano, weligey wax dambi ah ma gelin, kaligey ayaa Shaqeynayay, waxaan lahaa labo xaas iyo seddex caruur ah, saaxiibkeey ayaa ii yeeray Aniga oo ku mashquulsan cillad bixinta mootadii aan ku shaqeynayay waxaa uuna Ii Sheegay in xaaskeyga iyo carrurteydaba la heysto, ma naqaan sababta wax walba oo Aan laheynna wey naga soo reebteen” ayuu yiri Max`ed“Halkan ayaan nimid wax kasta oo nolasha ah billow ayey yihiin,mana awoodno inaan Nolosha maareyno, waayo dhaqaale maheysanno cid kale oo na taageertana ma leh” Ayuu Max`ed yiri.

Raxmo Nuur Iidle oo 65 jir ah kana mid ah qoysaskan ayaa xustay in ay soo wajahayaan Xaalad adag oo dhanka nolosha ah iyada iyo qoyskeeda oo ku sugan xeradaan, waxayna Sheegtay  in aysan suurtagal ahayn in ay dib ugu soo laabato deegaankii ay ka soo Jeedday xaalado amni oo ka jira deegaanada konfurta Somalia darted sidaasna ay Hadda Ugu sugan-tahay  xerada barakac bosaaso.

“Annagu magaalada ayaanu ku noolaan jirnay nolosheenna caadi ayeey aheyd, deegaan Ahaanna meel hagaagsan ayaan ku nooleyn, laakiin maamulkii aan ku hoos nooleyn Aayaan noo ogolaan inaan halkaas kusii noolaanno,mana jirto sabab cad iyo qalad aan Geysannay oo keeni kara in nala ka soo saaro guryaheennii, xaalad adag oo nolosha ah Ayaan runtii halkan ku wajeynaa” ayeey tiri Raxmo Iidle.

Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada ee magaalada Boosaaso ee gobolka bari Cali Axmed Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegy in dadkan la soo caawiyay Goob xasiloonna la keenay, sidoo kalena ay dhowr jeer gargaar gaarsiiyeen, Haddana ay Qrsheynayaan sidii  ay dadkani u heli lahaayeen gurmad ku filan oo dhinaca nolosh ah.“

Dadkani nabad bay kula nool yihiin dadka deegaanka, wax dhibaato ah kuma qabaan, Ma awoodno inaan dhammaan  caawinno, laakiin hay’ado caalami ah ayaanu u Kala Hadalnay sidi ay gurmad u heli lahaayeen” ayuu yiri Agaasime Cali Axmed Maxamuud.

Qaar ka mid ah ganacsatadii Soomaaliyeed iyo qoysaskii laga saaray ayaa gobolada Dalka ka ku wajahaya nolool adag halka qarkood na ay taageero ka heleen shacabka iyo Dowladda somaaliyeed taasi oo u suurtagelisay inay dib u helaan deegaan iyo ganacsi Ku haboon.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts