HomeWararRa’iisul Wasaare Rooble oo shaaciyay inuu xalinayo tabashada Musharaxiinta

Ra’iisul Wasaare Rooble oo shaaciyay inuu xalinayo tabashada Musharaxiinta

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir muhiim ah la qaatay wakiiladda iyo safiiradda Dalalka Caalamka u jooga Soomaaliya, isagoo kala hadlay arrimo kala duwan. Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Beesha Caalamka ayaa ka wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashada dhacaya dhammaadka 2020/21, xili uu weli muran ka taagan yahay. […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir muhiim ah la qaatay wakiiladda iyo safiiradda Dalalka Caalamka u jooga Soomaaliya, isagoo kala hadlay arrimo kala duwan.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Beesha Caalamka ayaa ka wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashada dhacaya dhammaadka 2020/21, xili uu weli muran ka taagan yahay.

- Advertisement -

Waxaa uu caddeeyay Ra’iisu wasaaraha sida ay xukuumadda uga go’an tahay qabashada doorasho nabdoon in xukuumadda ay ka go’an tahay qabashada doorasho si nabdoon uga dhacda dalka.

Rooble oo Shir jaraa’id xafiiskiisa ku qabtay ayaa waxaa uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu la fariisto cid kasta oo cabasho ka qabta arrimaha doorashooyinka, wuxuuna tilmaamay in la xalinayo khilaafyada taagan.

Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha ayuu Ra’iisul wasaaraha u caddeeyay inuu xafiiskiisa u furan yahay, isla markaana uu diyaar u yahay in xalinayo tabasho kasta oo ka qabaan doorashada, lana xaliyo muranka taagan.

- Advertisement -

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay is dejiyaan, isla markaana dalka ay ka dhaceyso doorasho nabad ah, wuxuuna yiri “aniga masuul ka ah xukuumadda, Ra’iisal Wasaarahana ka ah waxaan idin sheegayaa inaan diyaar u ahay inaan qof kasta qaabilo, kalana hadlo wixii caqabad ah ama cabasho ah ay dareemayaan”.

Si kastaba hadalka Ra’iisul Wasaare rooble ayaa waxaa uu kusoo aadaya, iyadoo weli uu muran ka taagan yahay doorashada dalka ka dhaceysa, Musharaxiintana ay kasoo horjeedan Guddiyada la magacaabay oo muranka uu ka taagan yahay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories