HomeWararTaabid Cabdi oo si kulul uga hadlay dadkii lagu rasaaseyay Baladweyne

Taabid Cabdi oo si kulul uga hadlay dadkii lagu rasaaseyay Baladweyne

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahna Duqii Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay dad shacab ah oo shalaay lagu rasaaseeyay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Ggobolka hHiiraan, xili ay wadeen banaanbax looga soo horjeeday Hirshabeelle. Taabid Cabdi oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay inuu aad uga xun yahay in dad shacab ah […]

- Advertisement -

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahna Duqii Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay dad shacab ah oo shalaay lagu rasaaseeyay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Ggobolka hHiiraan, xili ay wadeen banaanbax looga soo horjeeday Hirshabeelle.

Taabid Cabdi oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay inuu aad uga xun yahay in dad shacab ah oo dhigaya banaanbax si bareer ah rasaas ay ugu furaan Ciidanka dowladda ee ku sugan Baladweyne.

- Advertisement -

Taabid ayaa tilmaamay in marnaba aan laga aqbali karin in dad shacab ah oo muujinaya dareenkooda in rasaas lagu furo, waxaana Alle uu Caafimaad u weydiiyay dad ku dhaawacmay rasaas lagu furay, xili ay dhigayeen banaanbax.

“Hab dhaqannada isa soo taraya ee muujinaya awood ku maquuninta argtida iyo dareenka muwaadinka; waxa ay lid ku yihiin mabda’ dowladnimo iyo nidaamka dimuqraadiga ee aan Soomaaliya la dooneyno” ayuu yiri  Duqii hore ee Muqdisho.

Sidoo kale Taabid Cabdi ayaa hadalkiisa intaas kusii daray “Lama aqbali karo in muwaadiniin dareenkooda cabiraya dabaabbado la hor dhigo, rasaasna lagu harqiyo, halkii tabashadooda la dhageysan lahaa. Waxaa iyadana ayaan-darro kale ah in ciidankii axdiga u galay ilaalinta badqabka iyo sharafka muwaadinka ay maanta ula dhaqmaan shacabkeena sida cadoow oo kale.”

- Advertisement -

Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka ayaa shalay rasaas ku furay dad shacab ah oo banaanbax looga soo horjeeday Hirshabeelle ka waday Magaalada Baladweyne ee, waxaana rasaastaas ku dhaawacmay qaar kamid ah dadkii banaanbaxa dhigaayay, kuwaasi oo la geeyay Xarun Caafimaad.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories