HomeWararMadaxweynihii hore ee Soomaaliya oo gaaray Magaalada Garoowe

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo gaaray Magaalada Garoowe

Date:

Related stories

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa galabta gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland, iyadoo siweyn loogu soo dhaweeyay. Wafdiga Xasan Sheekh ayaa waxaa kamid ahaa Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sh Aadan, Xildhibaano ka tirsan Aqalka sare iyo xubno kale, waxaana Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Madaxweynaha […]

- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa galabta gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland, iyadoo siweyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga Xasan Sheekh ayaa waxaa kamid ahaa Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sh Aadan, Xildhibaano ka tirsan Aqalka sare iyo xubno kale, waxaana Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland iyo Mas’uuliyiin kala duwan.

- Advertisement -

Ujeedkooda ayaa waxaa uu yahay ka qeyb galka Shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Hiratage oo ka furmaya Magaalada Garoowe, kaasi oo markii horreeyay ee lagu qabanayo dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Maanta gaaray Garoowe, waxaana halkaas sidoo kale ku sugan Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xildhibaano badan oo la socda.

Sidoo kale Saacadaha soo socda ayaa waxaa Garoowe la filayaa inay gaaraan wufuud kala oo qeyb galaya Shirka oo looga hadli doono Xasilinta Dalka amni ahaan, Dhameystirka Dastuurka, Qabashada Doorasho qof iyo cod ah Yagleelida Nidaam Federaal oo shaqeynaya.

- Advertisement -

Ammaanka guud ayaa siweyn loo adkeeyay, isla markaana waxaa waddooyinka qaarkood lagu daadiyay Ciidamo ka tirsan Puntland, kuwaasi oo sugaya amniga, maadaaama halkaas uu ka furmayo Shirweyne Caalami ah.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories