HomeWararQM oo War kasoo saartay caqabado badan oo DFS la kulantay sanadka...

QM oo War kasoo saartay caqabado badan oo DFS la kulantay sanadka 2020

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa ka hadlay xaaladda dalka Soomaaliya iyo Caqabado badan  oo dowladda Federaalka la kulantay sandkaan sii dhammaanaya ee 2020. James Swan ayaa waxaa uu sheegay in Soomaaliya caqabadaha ay la kulantay ay kamid  yihiin dhinacyada siyaasadda, amniga iyo bani’aadamnimada, iyo Musiibada […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa ka hadlay xaaladda dalka Soomaaliya iyo Caqabado badan  oo dowladda Federaalka la kulantay sandkaan sii dhammaanaya ee 2020.

James Swan ayaa waxaa uu sheegay in Soomaaliya caqabadaha ay la kulantay ay kamid  yihiin dhinacyada siyaasadda, amniga iyo bani’aadamnimada, iyo Musiibada COVID-19, Isla markaana ay jiraan tallaabooyin horumar ah oo dowladda gaartay.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay James Swan in Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ay heshiis ka gaareen doorashada dalka ka dhaceysa, ayna sanadkaan 2020 Madaxda muujiyeen isu tanaasulka, sidoo kalena la gaaray heshiisyo is afgarad ah.

Sidoo kale Ergayga gaarka ah James ayaa waxaa uu tilmaamay in sanadka Cuusb ee 2021 uu muhiim u noqon doono horumarka ka jira dalka, isla markaana waxaa carabka ku dhuftay in ammaanka uu noqon doono mid lagu wareejiyo dowladda Soomaaliya.

Isaga oo sii hadlaayay James Swan ayaa waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in doorashooyinka dalka ay ku dhici doonaan si nabad ah, isla markaana heshiis laga gaari doono muranka ka taagan doorashadii lagu heshiiyay.

- Advertisement -

“Soomaaliya waxa ay la kulan tahay 2020 caqabado badan, oo ay ka mid yihiin dhinacyada siyaasadda, amniga iyo bani’aadamnimada, iyo sidoo kale Musiibada COVID-19. Isla markaana, waxaa jiray astaamo horumar leh sida deyn cafinta iyo heshiiskii hoggaamiyeyaashu ay ka gaareen hannaanka doorashada ee sannadka 2020-2021. Waa muhiim in dareenka isu tanaasulka, iyo sidoo kale is afgarad iyo wadahadalladu, ay sii socdaan si loo ilaaliyo loona horumariyo guulaha la gaaray,” ayuu yiri Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Waxaa uu hadalkiisa sii raaciyay James Swan “2021 wuxuu noqon doonaa mid muhiim u ah horumarka Soomaaliya,” ayuu yiri. “Ammaanka, waxa uu ahaan doona mid ku wareega dowladda Soomaaliya oo iyada ayaa mas’uul ka noqon doonta; dhaqaalaha, waxa ay sii wadi doontaa dib u habeynta si ay u xaqiijiso faa’iidada buuxda ee ay ku guuleysatay ee geeddi-socodka deyn-cafinta, xaaladda bani’aadamnimada, weli waxaa jira 5.2 milyan oo qof, oo ah qiyaastii saddex meelood meel dadka dalka ku nool, oo u baahan taageero. Iyo, dabcan, hanaanka doorashada ee doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha. Waxaan rajeynayaa inaan arko wadashaqeyn dheeri ah iyo is afgarad ka dhex dhaca madaxda Soomaalida ee arimahan muhiimka u ah Soomaaliya, iyo sidoo kale tallaabooyin adag oo la xiriira dimuqraadiyeynta dalka, oo ay ku jiraan xoojinta hay’adaha iyo aasaaska doorashooyinka ‘hal qof iyo hal cod ah’ sanadka 2024 -25.”

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts